“Doodaydu Waxa Weeye Laba Ma Wada Noolaan Karaan.” Prof A Ismacil Samatar

Hargeysa,(Berberanews)–Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar ayaa xukuumadda kula taliyey inay kartidda ku darsadaan Cadaaladda, isla markaana dawladda ay ka wada muuqdaan beelaha wada dega Somaliland. Sidoo kale, waxa uu xusay in loo baahan yahay meelaha aadka u liita sida Gobolka Sool oo kale in wax badan loo taro, isla markaana weftiyadda heerka sare ah ee Somaliland uga qaybgallaya wada hadaladda Soomaaliya ay noqdaan qaar isku dhigma.

Sidaas waxa uu ka sheegay khudbad uu u jeediyey Ardayda Jaamacadda Golis ee Hargeysa, waxa uu sheegay in Gobolada Galbeedka iyo Bariga Somaliland ku kala duwan yihiin amaanka sidaasi darteedna uu u tagi kari waayay Sool.PROF-Axmed-Ismaaciil-Samatar

Prof. Axmed Samatar ayaa  tilmaamay in karti iyo cadaaladda wadda socda dal lagu dhisi karo, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“Had iyo jeer Dawladda la dhisayaa, waa inaanay yeelan uun Karti, way fiican tahay hadday Dawladdu Karti leedahay laakiin waa inay leedahay Karti iyo Caddaalad wada socda.

Markaa waa in Dawladda Madaxdeedii hadday tahay Baarlamaanka, Fulinta ama Maxakamaddaha ama Jenneraalada Ciidamada ha noqotee, Xafiisyada Waaweyn ee Dawladda waa in la iska wada dhex arkaa, iyadoo Kartidana la eegayo oo aan la eegayn uun kaasi waa Reer Hebel.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa wax aan la liqi Karin ku tilmaamay in weftiyadda iyo xilalka sare beelaha dhexe uun isku koobaan, waxaanu yidhi “Waxaa ah wax aan la calaashan Karin oo aan la liqi Karin ama ay adag tahay inaad liqdo marka aad aragtid Wefti Somaliland ka baxaya oo heer sare ah oo ka kooban 5 Isaaq ah iyo laba Xabadood oo Hareeraha ka socda ay TV-ga kaaga soo baxaan”ayuu yidhi Prof-ku. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu sheegay inay habboon tahay in dadka Hareeraha ee la soo jiidanayo la soo horaysiiyo  oo xilalka waaweyn loo dhiibo, waxaanu yidhi “Xaqiiqdii waxa habboon, in dadka Firidhsan ee aad doonayso inaad soo jiidato aad soo horaysiiso, Shuruuduna waa inay wadanka daacad u yihiin oo ay shaqada ka soo bixi karaan.markaa Dawladda Xafiisyadeeda waaweyn waa in la iska dhex arkaa waliba adigoo horraysiinaya dadka aad doonayso inaad soo jiidato” Prof Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu ku taliyey in goboladda sida ay u kala liitaa wax loogu kala qabto oo kolab ka liiita isha la saaro, isagoo tilmaamay in gobolka Sool aad uga liito goboladda kale, waxaanu yidhi “Waxaa jira Dad meel kuwada Nool oo haddana kala sareeya,qaybina fiqiir tahay qaybina wax haysato, markaa waxa weeye in inta Somaliland sidaas loo Eego la yidhaahdo Meelaha ugu liita Ilgaar ah ha lagu eego. Marka aad Eegto Sool, Waa la wada liitaa laakiin markaad isbarbar dhigto Sool aad iyo aad bay u liidataa”. Sidoo kale, Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inay qasabtahay in la ilaaliyo wada jirka umadda Somaliland, isla markaana ay khalad tahay in 23 sanno wixii la soo qabto la burburiyo. “Wada jirka Somaliland in la ilaaliyo waa ta ugu macquulsan, haddaynu kala daadanno waxaynu ka soo Ordaynay ayaynu waliba inagoo Gurguuranayna dib ugu Ordi doonaa, dabeed wixii 25 Sannadood loo soo shaqaynayay waxay noqonaysaa waxaan waxba ka jirin”ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Doodaydu waxa weeye laba ma wada noolaan karaan, haddii Somaliland Noolanayso waa In Qabiilku dhintaa, haddii Qabiilku noolaanayana waa in Somaliland aynu Aasnaa.

waa kuwaa labada aynu kala dooranaynaa”. Sidoo kale, waxa uu sheegay in si cilmiyeysan loo gallo aqoonsi raadinta Somaliland, isla markaana caalamka loo soo bandhigo, isagoo xusay in wali aan si cilmiyeysan loo gallin arrinta ictiraaf raadinta.