Sheekada Cabdi Qurbaani- Warbixin Xiise leh Dhegayso

Hargeysa-(Berberanews)–Cabdiraxmaan Maxamed Gahayr (Qurbaani) waa  nin dhawr iyo toban xirfadoodleh, wuxuu tumaa organka, gitaarka, wuu heesaa, waa kamara man, waa farsamo yaqaan sameeya muuqaallada iyo codadadka, waa majaajilayste, muddo dheer wuxuu ahaa dirawal gaadiidka ah, wuxuu yaqaannaanaa samaynta macmacaanka, waa mulaxan heeso badan oo fannaaniintu qaado laxammeeyay, wuxuu yaqaan ciyaaraha qalaaba-rogadka, waa ciyaartoy muddo dheer ka soo ciyaarayay dalka Djibouti.

Cabdi-qurbaani wuxuu ku hadlaa luuqadaha, Somaliga, Canfariga, Carabiga, amxaariga iyo Hereriga imikana wuxuu bartaa afka shiinaha.Burmad

Cabdi Qurbaani oo haatan ka hawlgala Telefiishanka Qaranka Somaliland oo uu dhawr shaqo oo kala duwan ha hayo, ayaa waxaa waraysi ka qaaday Suxufiga Sidiiq Maxamuud Burmad oo ka hawlgala Idaacadda Radio Hargeysa.

Waraysigaas oo uu Qurbaani kaga hadlayo waayihiisa nololeed, xirfadaha kala duwan ee uu ku shaqaysto iyo shakhsiyaddiisa, ayaannu halka idiinku soo gudbinaynaa ee dhegaysi wacan.

Halkan Riix oo ka dhegayso




Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

info@berberanews.com