“Xukuumadda Waxaanu Ka Rajaynaynaa Inay Umadda U Fasirto, Waxa Lagu Dhiiranayaa Waxay Yihiin” Cirro

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), ayaa Xukumadda u soo jeediyay inay tafaasiil dheeraad ah ka bixiso qodobada ugu muhiimsan ee Heshiiska Djabuuti ku dhex maray Somaliland iyo Somalia.
 
 
 
 
Ugu horayn waxa uu ka hadlay Mawqifkiisa wada hadalka “Guud ahaan Wada hadalada, dee in la wada hadlaa waxay ahayd arin la isla Ogolaaday laakiin, waxa laga wada hadlayo iyo marka ay soo gaadho arimaha Masiiriga ah in marka horena laga sii wada tashado,marka dambana Shacabka iyo Goleyaasha looga waramo ayuu waajibku yahay sidaanu u aragno” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro oo warbaahinta la hadlay Maanta
 
 
 
 
Guddoomiye Cirro waxa uu soo jeediyay in Xukumaddu fasirto Qodobo ka mid ah Heshiiska “Qodobada waxaa ka mid ah Qodobka 2-aad oo sheegaya “labada dhinac waxay ku heshiiyeen in arimaha Siyaasadda ee Masiiriga ah lagu dhiirado” Masiirka waanu garanay oo waa Mustaqbalka Umadda, laakiin Lagu dhiirado, waxaan Xukumadda ka rajaynayaa inay Umadda u fasirto waxa lagu dhiiranayaa waxay yihiin”
 
 
 
 
Guddoomiye Cirro waxa uu tilmaamay in qodobkii ugu muhiimsanaa Heshiisyadii hore ee Somaliland iyo Somalia oo hawadda ku saabsanaa aanu hir galin hawaddana gacanta loo galiyay Somalia “Qodobka qudha ee Somalia iyo Somaliland hore ugu heshiiyeen wuxuu ahaa Hawada oo ay ahayd inay Maamulaan Guddi isku dhaf ah oo xaruntoodu Hargeysa noqoto, hase yeeshee waxaad ogtihiin in Qaramada Midoobay maamulkii hawadda ku wareejisay Somalia, markaa dee wax ka noolba garan maayo Heshiiskaas Somalia lagu siiyay hawadda, balse hadday wax ka nool yihiin Xukumaddu ha u faahfaahiso Umadda” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.
 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.