Wasiirka Arrimaha Dibada Oo Ka Hadlay Sababaha Aanay Mucaaridka Uga Tallo-gelin Wadda-hadaladda Somaliland Iyo Somalia

Hargeysa (Berbera news) Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in wada-hadaladda ay Somaliland la yeelanto Somaliya ay masuul ka tahay Xukuumadda Somaliland, isaga oo sidoo kale ka hadlay cabasho ay Xisbiyadda Mucaaridku ka tirsandeen wadda-hadaladaasi, kuwaas oo sheegay in Xukuumaddu aanay ka tallo-gelin xiliga ay qabsoomaan.
 
 
 
 
Wasiirka oo maanta dalka ku soo laabtay ayaa Warbaahintu wax ka weydiisay arrintaasi, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Sidaad ula socoto Arimaha wada hadalku waa arimo Khuseeya Dawladda Somaliland.Dawladda Somaliland baana Awood loo siiyay oo labada Goleba u Ogolaadeen inay Shacabka Matasho, mana ah arin Muxaafad iyo Mucaarad ah, arinkani waa arin Umadda Khuseeya, waa Arin loo xilsaaray inuu Madaxweynuhu Hogaamiyo, shacabkiisa, wasiiraddiisa iyo dawladda Somaliland, wax alle waxaanu ka wada hadlaynana waanu ka wada tashaan Asxaabta iyo shacbiga, labada Xisbina way la socdaan, labada Gole Baarlamaana way noo Ogolaadeen, waa xil anaga na saaran cid loo daba fadhiisanayaana ma jirto, dawladda iyo shacabkuna way nagu barbar taagan yihiin”
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.