“Xukuumaddu Waxay Ku Faantaa Miisaaniyaddii-baanu Kordhinay, Miisaaniyadduna Waxay Ku Timaadda Cashuurta Danyarta Laga Qaado”

Hargeysa (Berbera news) Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen iyo ku xigeenkiisa Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa maanta booqaday Suuqa Magaaladda Hargeysa ee WAAHEEN, waxaanay halkaasi kula kulmeen Bulshadda ka ganacsatada Suuqaasi.
 
 
 
 
Jamaal Cali Xuseen iyo ku xigeenkiisa oo ka dib booqashadoodaasi Baska la raacay qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan Magaaladda Hargeysa ayaa waxa kale oo ay Xukuumadda ku dhaliileen qaabka ay uga haddasho Miisaaniyadda Dalka, isaga oo sheegay in Miisaaniddu ay ku korodho Cashuurta laga qaado Dadka Dan-yarta ah.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Xukuumaddanu waxay ku faantaa Miisaaniyaddii-baanu laban-laabnay oo cirkaanu geynayn, Miisaaniyadduna waxay ku timaaddaa Cashuurta Dadka dan-yarta ah la saaro oo weliba danyarta ayaa Cashuur dheeraad ah la saaraa. Cashuurtaasi la saarayo marka lagu kordhiyo marka dambe waxay keentaa Sixir-barar, markaa Miisaaniyaddan laga hadlayaa waa mid Horumarin ah iyo mid ah Kharashkii Dawladda mana aha in lagu faano Kharashkii Dawladdaa la kordhiyay, Kharashka Dawladdu waa Gaadiidka, Casuumaddaha iyo Munaasibaddaha oo ah waxyaabaha aanay Dadku u baah-nayn ayaad moodaa inuu Kharashku ku baxo.”
 
 
 
 
 
Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Miisaaniyaddan la leeyahay waa la kordhiyay inay Umadda ka muuqato ayaa la doonayay, anagu waxaanu samayn-doonaa waxaas ka wax ka duwan Miisaaniyaddana waanu eegi-doonaa meelihii u baahan in Cashuur dhimis lagu sameeyana waanu ka dhimi-doonaa.” Ayuu yidhi Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID.
 
 
 
 
 
 
Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ayaa isana ka waramay waxyaabihii ay booqashadoodaasi kala kulmeen, waxaanu yidhi “Shacabku waxay leeyihiin waxa loo baahan-yahay Dawladd Cadaalad, waxa loo baahan-yahay Dawlad loo siman-yahay oo Saxaafadda Xaq-dhawrta, markaa runtii anaga waxay noo ahayad maalin wanaagsan oo aanu dareenka Bulshadda aanu wax ka ogaano.”
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.