“Xukuumaddu Caqabad Kasta Oo Ay Ku Hakiso Taageeradda WADDANI, Waxay Shacabka Tusaysaa Wajiga Dhabta Ah Ee KULMIYE” Guddoomiye Cirro

Berbera (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo aanay lahayn awoodd ay ku xakamayso Taageerayaasha ku soo biiraya Xisbiga WADDANI ee ka soo diga-roganaya Xisbiga taladda haya ee KULMIYE.
 
 
 
 
 
Guddoomiye Cirro ayaa hadalkan ka sheegay Munaasibad uu maanta Xisbiga WADDANI u qabtay Taageerayaal ka soo baxay KULMIYE oo ka qabsoontay Magaaladda Berbera.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Caqabadkasta oo Xukuumaddu isku deydo inay ku hakiso taageerada Xisbiga WADDANI ee sii kordhaysa maalinwalba, ma joojinayso taageerada aanu ka helayno shacabka ku hungoobay KULMIYE, laakiin arimahaasi waa qaar Shacabka tusaya wajiga dhabta ah ee KULMIYE, Xisbiga WADDANI-na kor-u-qaadaya” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro oo Berbera kaga qayb galay Munaasibadda soo dhaweynta.
 
 
 
 
Berbera news/Berbera.