“Waxaan Jeclahay In Arrinta Suldaanku Ay Dhamaato, Xukuumadduna Ha Iska Dayso Fal-celinta Deg-dega Ah” Faysal Cali Waraabe

Hargaysa (Berbera news ) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Xukuumadda iyo Odayaal dhaqameedka Gobolka Awdal ugu baaqay in wadda-hadal lagu dhameeyo arrinta Suldaan Abubakar Cilmi Wabar, waxaanu tilmaamay inuu rajo ka qabo in xaaladda hadda ka taagan Gobolka Awddal ay dhamaan-doonto.
 
 
 
 
 
Faysal Cali Waraabe oo galabta dalka ku soo laabtay ka dib Safar uu ugu maqanaa Dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, waxa uu yidhi “Odayaasha reer Awdal ee daraad hadlay waa Nidaamka kaliya ee ay Somaliland ku waartay, uga biqi-mayno reer Awdal in dhibaato u geystaan Naad-gelayda Somaliland iyo Jiritaankeeda-ba. Mar kasta waxaan idhaahda Somaliland waxay ku fadhida Sijaayada Reer Awdal, waxaan jecelahay in arrinta Suldaankuna ay dhamaan doonto Xukuumaddanu ha iska dayso fal celinta deg-deg ah, Qof wax tirsaday oo meel-galay Somaliland waxba ma yeeli karo”
 
 
 
 
 
Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu intaas ku daray “Waxaan jecelnahay in ay Xukuumaddu cagta u dhigto oo ay Dadka u dhago furnaato oo noqoto mid Dadka midaysaa, maalin dhawayd oo aan hadlay ayaa waxa la sheegaya in reer Awdal si khaldan u qaaten, waxaan u sheegaya reer Awadal anaga iyo Dawladda farqiga noo dhaxeeya waxa weeyaan waa Awdal oo aan idhaahdo Xuquuqdeedi ha la siiyo tabashadeeda ha la dhagaysto, reer Saylac waan ogahay oo way wada degtaan. Dhulku wuu innaga badan-yahay ujeedadu waxay ahayd yaan laga haajirin Somaliland ee ha loo soo haajiro ” Ayuu yidhi Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.