Raysal-wasaaraha Cusub Ee Somalia Oo Sheegay In Dhismaha Xukuumaddiisa Uu Kala Tashan-doono Madaxweynaha

Muqdisho (Berbera news) Raysal-wasaaraha cusub ee Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay inuu sida ugu dhakhsaha badan u soo dhisayo Xukuumadda tayo leh.
 
 
 
20141217635544105530091944IB0A5399
 
Cumar Cabdirashiid oo ka hadlay Munaasibaddii lagu magacaabay oo dhacday Xarunta Madaxtooyadda Somaliya waxa kale oo uu sheegay in wadda-shaqayn wanaagsan yeelan-doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si loo dhamaystiro hawlaha hor-yaala Dawladda.
 
 
 
 
 
“Waxaa halkan ka ballan-qaadayaa in Madaxweynaha aan ula shaqayn-doono si ay ku jirto Muwaafaqo iyo wada-tashi, Kalsoonida Ummaddana aan kor u qaadno Amniga Dalkana aan gaadhsiino heer Dadka Soomaaliyeed ay jecelaystaan.” ayuu yidhi Raysal-wasaaraha cusub ee Somaliya.
 
 
 
 
 
 
Waxaanu intaas ku daray “Sida ugu dhaqsiyo badan ayaan ku soo dhisi-doonaa Xukuumadd, anigoo dhismaha Xukuumaddana kala tashan doona Madaxweynaha Somalia iyo xubnaha kale ee dalka, sida goddoonka Baarlamaanka, Xildhibaannada iyo Shacabka si loo helo Dowlad dadka iyo dalka u shaqaysa, maadaama uu xilli yar hadhay.”
 
 
 
 
Raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ka codsaday Baarlamaanka inuu ka gacan siinyo si ay hawsha ugu fududaato, isaga oo intaas raaciyay inuu dhawaan soo bandhigayo qorshaha ay ku shaqayn doonto Xukuumaddiisa.
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.