Maraykanka iyo Cuba oo wada-hadal yeelanaya 50 sano ka dib

Madaxwaynayaasha Maraykanka iyo Cuba, Barack Obama iyo Raul Castro ayaa ku dhawaaqay in Maraykanka iyo Cuba ay bilaabi doonaan wadahadalo bilaha soo socda, kuwaas oo looga gol leeyahay in dib loogu soo celiyo xidhiidhkii diblomaasiyadeed.

Madaxwayne Obama ayaa ku tilmaamay siyaasadda cusub ee Cuba isbadalka ugu muhiimsan ee in ka badan muddo konton sano ah.141217180536_cuba_eeuu_castro_obama_discursos_640x360_afpgetty_nocredit

Labada hogaamiye ayaa wadahadlay maalintii Tallaadada, waxayna isku raaceen dhowr tallaabo oo ay ku jiraan iswaydaarsiga maxaabiista siyaasadeed iyo dabcinta safarka iyo xayiraadaha ganacsi.

Madaxwayne Castro ayaa ku dhiirigaliyay xukuumadda Washington in ay qaaddo cunaqabatayn ganacsi iyo dhaqaale oo muddo dheer ka hor lagu soo rogay jasiiradda nidaamka siyaasadeed ee shuuciyadda lagu maamulayay.

Madaxwayne Obama ayaa ugu baaqay golaha Congress-ka dalkiisa in ay eegaan xidhiidhkan, isagoo yidhi in siyaasadda Maraykanka ee go’doominta Cuba ay sida cad guuldaraysatay.