Ururka Falastiniyiinta Ee Xamaas Oo Laga Saaray Liiska Argagixisadda

Hargeysa (Berbera news) Maxakamadda Guud ee Midawga Yurub ayaa Ururka Falastiin ee Xamaas ka saartay Liiska Argagixisada ka dib markii uu ku jiray tan iyo sanadkii 2003-dii. Maxakamadda Yurub ayaa u cuskatay fasaxida Xamaas inaan markii hore Liiska lagu galin caddaymo la hubo balse lagu bartilmaameedsaday Eedo looga soo jeediyay Warbaahinta iyo Internetka.
 
 
 
Al-Qassam brigades, hogaamiyaha Garabka hubaysan ee Xamaas ayaa sanadkii 2001-dii lagu diray Liiska Argagixisada ee Midawga Yurub, iyadoo Ururka Xamaas-na lagu daray sanadkii 2003-dii, wakhtigaasi oo ay jireen xaaladda weerarkii Fooqyada maraykanka ee September 11.
 
 
 
 
Maxkamadu waxa ay sheegtay in wali ay sii socon doonto xayiraadihii maaliyadeed ee saarnaa Ururka Xamaas muddo saddex bilood ah ama racfaanka laga soo xidhayo.
 
 
 
Benjamin Netanyahu ayaa Go’aankan Maxakamadda Midawga Yurub ka soo baxay Arbacada Maanta ka soo horjeestay kuna baaqay in dib loogu celiyo Ururka Liiska Argagixisada “Waxaanu ku rajaynaynaa Midawga Yurub inay si degdeg ah ugu celiyaan Ururkan Liiska” ayuu ku yidhi baayaan uu soo saaray.
 
 
 
Xamaas waxa ay maamushaa Qaza inteeda badan waxaanay badhtamihii sanadkan dagaal 50 maalmood socday la gashay Israa’iil.
 
 
 

 
 
 
Berbera news/Hargesa.