“Waxaan Ka War-qabnaa In Boorama Ay Tahay Lafdhabarta, Dhismaha Dawladnimada Somaliland” Guddoomiye Cirro

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland,ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan Gobolka Awddal iyo Suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo dhawaan ku dhawaaqay hadalo ka dhan ah Qaranimadda Somaliland.
 
 
 
 
Guddoomiye Cirro oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu Xukuumadda Somaliland ugu baaqay in wadda-hadal lagu dhameeyo arrinta Suldaanka, waxaanu sidoo kale Shacabka ku dhaqan Gobolka Awdal u soo jeediyay inay ilaaliyaan Nabad-gelyadda.
 
 
 
 
Waxaana hadaladii Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ka mid ahaa “Waxaan jeclahay inaan baaq nabdeed u soo jeediyo shacbiga reer Awdal, gaar ahaan degmeda Borama. Waxaan dhamaanteen ka warqabnaa in shacbiga reer Awdaal gaar ahaan magaalada Borama ahayd lafdhabarta tiirka nabadeynta iyo dhismaha dawladnimada cusub ee Somaliland. Waxaan shacbiga , ugaasyada, salaadiinta. culimada, dhallinyarada iyo haweenka reer Borama u soo jeedinayaa baaq nabdeed iyo in xalaadda hadda taagan la dejiyo.”
 
 
 
Guddoomiyuhu waxa uu Xukuumadda ugu baaqay in Xoriyadoodda loo soo celiyo Xildhibaanada ka tirsan Golaha Deegaanka Boorama oo Todobaadkan loo xidhay Rabashado ka dhacay Magaaladda Boorama, waxaanu yidhi “Shacbiga reer Awdal waa reer Somaliland horena umay noqon haddana ma noqonayaan wax aan ahayn Somaliland. Wixiise cabashooyin ah iyo tabashooyin ah ee ay horena ugu soo gudbiyeen odayaasha gobolku hadana taagan waa in xukuumadu siisaa mudnaanta ay leedahay arrintaasi. Waxaan Xukuumadda Somaliland u soo jeedinayaa in xiisadda ka taagan hadda Boorama in sidii Somaliland u dhaqanka ahayda lagu dhameeyo wadahadal , wadahadalkana la siiya fursad iyo wakhti , waxaan Xukuumadda u soo jeedinayaa in la soo daayo oo xoriyadooda loo soo celiyo labada xildhibaan ee ka tirsanaa Golaha deegaanka ee degmada Boorama oo sharcigu siiyey xasaanadda lagana soo xidhay magaalada Boorama.”
 
 
 
Guddoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Beelaha walaalaha ah ee wada daga Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Ceerigaabo, waxaan u soo jeedinayaa baaq nabadeed. Wixii inaga dhintay waan tacsiyadeynayaa ehelkii iyo qarabaadii iyo shacbiga reer Somaliland. Waxaan u soo jeedinayaa labada dhinac in arrinta wada hadal iyo walaaltinimo lagu dhameeyo.”
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.