Salaadiinta Gobolka Awdal Oo Sheegay In Arrinta Suldaan Wabar Ay Gacanta Ku Hayaan, Xukuumaddana Baaq U Diray

Boorama (Berbera news) Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal ayaa sheegay in arrinta Suldaan Abubakar Cilmi Wabar ay gacanta ku hayaan, isla-markaana iyagga laga war sugo, waxaanay Xukuumadda Somaliland ugu baaqeen inay Ciidamadda ay geysay Boorama ay dib u celiso.
 
 
 
 
Salaadiintan oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Boorama, ayaa waxa kale oo ay Shacabka iyo Dhalinyaradda ku dhaqan Gobolka Awdal ugu baaqeen la ilaaliyo Nabadgelyadda.
 
 
 
 
 
 
Ugu horayn Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay, waxa uu yidhi “Arrinka Suldaan Abubakar Wabar ku saabsan anaga ayaa gacanta ku hayna hawshaasi si Nabadgeliyo ah ayaanu ku dhamaynaynaa, Waxaanu u sheegaynaa dhamaan Shacabka gaar ahaan Dhalinyaradda Magaaladda Boorama ku dhaqan in aynu ilaashano Nabadgelyadda.”
 
 
 
 
 
 
Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal ayaa isna Dhalinyaradda ku dhaqan Magaaladda Boorama ugu baaqay inay ilaaliyaan Nabadgelyadda, waxaanu yidhi “Waxaanu ugu baaqaynaa Shacabka in Nabad-gelyadda si cad loo xaqdhawro lana ilaaliyo, waxaanu u sheegaynaa Ummadda Dal iyo Dibad-ba ha joogaane cidii taladda gacanta ku haysaa waa Odayaasha waana in looga dambeeyo, in waxaanay ogayn la gelin baan ku dardaaraynaa. Suuqa Boorama ee la yaac-yaacayaa in dhib ay leedahay mooye in aanay faa’ido lahayn-baan idin sheegayaa. Waxaanu ku boorinaynaa Ciidamadda kuwa Magaaladda jooga maahe kuwa kale ee cusub ee yimid Magaaladda inay ka baxaan, Shalay waanu la kulanay Wasiiradda intii joogtay waxaanu u sheegnay in Ciidamadda wixii hore maahee kuwan dambe Magaaladda laga saaro, haddana waxaan Warbaahinta u marinaynaa ha laga daayo yaan kacdoon la abuurin, Dadweynaha waxaanu leenahay idinkuma ogin, idinkama aqbalayno Inan yar oo dur-duriya cid aanu ka yeelaynaa ma jirto. Dhalinyaraddii la xidh-xidhay warka na soo gaadhayaa waxa uu leeyahay Mandheera ayay ku xidhan-yihiin, halkan (Boorama) Jeelayashii-baa ku yaala, haddii ay Dembi geleen Maxkamadd ayaa la geyn-karaa arrintaas waanu fahmi-weynay ee hanalooga soo jawaabo. Dadkana wixii Dembi leh iyo wixii aan Dembi lahayn halka ay xaq u leeyihiin ha la saaro, Gobolna Gobol kale Kiiskiisa laguma qaadi-karo.”
 
 
https://i0.wp.com/gudgudenews.com/v1/wp-content/uploads/2014/12/hhhhhhhhhhhhh-5.jpg?w=696
 
 
 
Berbera news/Boorama.