Khilaaf Ka Taagan Warshadda Sibidhka Berbera Iyo Dareenadda Ku Xeeran

Berbera (Berbera news) Wararka laga helayo Magaaladda Berbera ayaa sheegaya inay jiraan dhaq-dhaqaaqyo is bar- bar socda oo ka dhashay Iskaraabka Wershada Sibidhka Berbera iyo dhulka uu ku yaalo Qabriga Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxmed X.  Ibraahim Cigaal, kuwaas oo la sheegayo midna inay dawladda Hoose ka qorshaynayso wadooyin iyo baloodho, halka Dawladda Dhexena ay Iskaraabka bixisay, sidda uu sheegay Wargeyska Waaheen oo aanu Warkan ka soo xiganay.
 
 
 
Labadan arrimood ayaa la sheegaya ta Iskaraabka in uu ka taagan yahay khilaaf abuuri kara xaalad gacan ka hadal ku dhaw, waxaanay wararka ka soo baxayaa sheegayaan in laga dareemayo buuraha ku teedsan Wershada Sibidhka Berbera dhaqdhaqaaq Maleeshiyo Beeleed, kuwaas oo la sheegayo inay wacad ku mareen inaan la qaadi Karin Biraha.
 
 
 
 
Lama oga Maleeshiyada la sheegayo inay buurahaas u gashay khilaafka ka taagan Iskaraabka ay Xukuumaddu bixisay, hase yeeshee sida ay Iftiiminayaan Xogaha aanu ka helayno Berbera waxay ka soo jeedaan Beesha degta deegaanka ay Wershadu ku taalo, kuwaas oo dhawr jeer ooh ore ku baaqay inaan la taaban Biraha Wershada Sibidhka Berbera.
 
 
 
 
Arrinta kale ee Dhulka ayaa iyana lagu soo waramayaa in Qoyskii Marxuum Cigaal oo leh dhulka ay ku aasan yihiin X Ibraahim Cigaal iyo Madaxweynihii Somaliland Maxamed X Ibraahim Cigaal in Dawladda Hoose ay la damacsantahay inay ka saarto wadooyin isla markaana ay baloodhayso qaybo ka mid ah Dhulkaasi, kuwaas oo aan waxba laga weydiin Qoyska leh.
 
 
 
 
Qorshaha Dawladda Hoose ee maalmahanba taagnaa ayaa la sheegayaa in ay is hortaageen dadka Reer Berbera iyo Qoyska ay ka soo jeedaan Marxmuum Cigaal, waxaanay ilo wareedyadii u danbeeyey sheegayaan inay Xukuumaddu hakisay Qorshaha Dawladda Hoose.
 
 
 
 
 
Si kasta ha ahaatee labadan arrimood ayaa u muuqda kuwo xaasaasiyad hor leh ka abuuri kara magaalo xeebeeda Berbera, taas oo ay ka dhaceen iska hor-imaadyo kala duwan oo la xidhiidha Khayraadka ku duugan oo ay dadweynuhu saluugsan yihiin qaabka ay Xukuumaddu u maamusho mar kasta.
 
 
 
 
 
Xukuumadda iyo Dadweynaha Reer Berbera ayaa hore isugu seegay Buuraha Sibidhku ceegaagaan ee Buuralayda ku xeeran Wershada Sibidhka Magaaladda Berbera, iyadda oo Xukuumadduna ay siisay Ganacsato.
 
 
 
 
Berbera news/Berbera.