“Xukuumaddani Waxay U Dhaqmaysaa Sidii Nidaamkii Afweyne Ee Shacabku Ka Dagaalamay” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Guddida Shuruucdda iyo Xuquuqal Iinsaanka ee Golaha Wakiiladda Somaliland Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa sheegay inuu cambaaraynayo Xadhiga Dhalinyaro iyo laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha deegaanka Boorama, kuwaas oo Shalay ay Ciidamadda Amaanka Magaaladda Boorama Xabsiga u taxaabeen, ka dib markii lagu eedeeyay inay qayb ka ahaayeen Rabashado ka dhacay Boorama.
 
 
 
 
 
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo Galabta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ku tumatay Shuruucdii iyo Xasaanaddii uu lahaa Xildhibaanku.
 
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Dhacdadii ugu Xumayd waxa ay ahayd Xalay 12:00 PM Habeenimo Laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Boorama in ay Ciidankii RRU Guryahooda ugu Dhaceen, waana la soo, waana nala dhaafiyay waxaana La geeyey Xabsigii Man-dheera, Maxkamada la taagay Danbi lagu oogay iyo Gola Deegaan oo wax laga waydiiyay ma jiraan. Xukuumadda ama Wasiirka arrimaha guddaha markii la waydiiyayna waxa ay yidhaheen Xasaanada ma leh,waana Been Wasiirka hadalkaas yidhi, sida Xasaanadda Baarlamanku u leeyahay Xildhibaankanina leeyahay.”
 
 
 
 
 
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Halkan waxaan ku cadaynayaa, malaha Xeer aynu akhrino goor inoogu danbaysay garan-maynee,waxa jira Xeer Lr 23 oo 2002-kii La abuuray,waxaana uu cadaynayaa Xasaanada ay leeyihiinXildhibaanada Qodobka 25-aad dhawr-sanaanta Xubinta Golaha Deegaanka. Qodobkaasi 25-aad Far-qadiisa 3-aad waxa ay sheegaysaa Xubinta Golaha Deegaanka inaan la qaban Karin ilaa inta Golahiisa laga helayo ogolaansho oo ay Gacanta u taagayaan in ay Xasaanada Kala noqdaan.” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble
 
 
 
 
Xildhibaanku waxa uu intaas ku daray “Noocii Xukuumadii Afwayne ayay Xukuumadani u dhaqmaysaa ee Shacabku ka dagalameen, Shanta kun ee qofna u dhinteen,Dadkuna ku rogmeedan ayay Xukuumaddani Dalka maanta ku wadaa. Anigu waxaan ku hadlayaa afka Guddoomiyaha Guddida Cadaalada iyo Garsoorka ee Golaha Wakiilada , arrinta Dalka ka dhacaysa ee cida dunuubta geysanaysa waa Xukuumadda, Shacabku Danbi ma laha, Nin Sarkaal ah oo la xidhayo arki maysid oo iyagga (Xildhibaanada) uunbaad haddana Xabsiga la dhigayaa. Xukuumadda maanta talada Dalka haysa waxaan ku sifeeyey inaanay doonayn inuu Dalkani iyagga ka danbeeyo , halkii uu ka soo qaaday Maxamed Xaaji ibraahin Cigaal-na ay dib ugu celinayaan. Labada Xildhibaan ee xidhan waa Xasan Maxamed Cumar iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed liibaan,waxaana jira 20 Dhalinayro ah oo iyggana lagu daray, labada Xildhibaan oo markii ay Ciidanku u soo daateen difaacay sida la sheegayo,arinkaas waan Cambaaraynayaa falkaas ay Xukuumaddu mar kasta kula Kacayso Xildhibaanadii Xasaanada lahaa ee Shacabku Gacantooda ku soo doorteen.”
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.