Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Oo Beri Dalka Ku Soo Laabanaya Iyo Fariinta Soo Dhaweynta Ah Ee Xisbiga

Hargeysa (Berbera news) Beri oo Isniin ah waxa Dalka ku soo laabanaya Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo muddooyinkii u dambeeyay ku Safaro ku marayay Maraykanka iyo Qaaradda Yurub, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay Taageerayaasha, Masuuliyiinta Xisbiga UCID ee ku sugan Wadamaddaasi iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Dalka Ingiriiska.
 
 
 
Qaban-qaabadda soo dhaweynta Musharaxa Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa laga dareemayaa Magaaladda Hargeysa, iyadda oo Masuuliyiinta Xisbiga UCID ay ku baaqeen in soo dhaweyn balaadhan loo sameeyo Jamaal Cali Xuseen, isla-markaana Taageerayaasha Xisbiga u diray Fariin ku aadan soo dhaweynta Jamaaal Cali Xuseen.
 
 
 
 
Halkan ka daawo Fariinta Xisbiga UCID.
 

 
 
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.