Madaxwayne Siilaanyo Oo Ka Baaqday Safar Uu Ku Tagi Lahaa Dalka Jabuuti

Hargeysa (Berbera news) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta si kedis ah u hakiyay Safar uu ugu bixi lahaa Waddanka Jabuuti.
 
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay baajinta Safarka Madaxweynaha balse Saraakiisha qabanqaabinaysay ee MadaarkaHargeysa iyo Warbaahinta oo Madaarka u tagtay soo tabinta Safarka Madaxweynaha ayaa lagu wargaliyay in Madaxweynuhu aanu baxayn.
 
 
 
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay u jeedada socdaalka Madaxweynaha ee Dalka Jabuuti hase ahaatee wararka laga helayo ayaa sheegaya inuu Jabuuti kula kulmayo Madaxweynaha Somalia oo halkaasi ku yeelanayaan wada hadal qayb ka ah Wada xaajoodka u socday Somaliland iyo Somalia. Waxa kale oo Jabuuti ku sugan Eng Faysal Cali Waraabe oo la filayo inuu wada hadalada qayb ka noqdo.
 
Berbera news/Hargeysa.