Duqa Boorama Oo Ka Hadlay Xadhiga Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Oo Loo Xidhay Rabshaddihii Ka Dhacay Boorama

Boorama (Berbera news) Guddoomiyaha Golaha deegaanka ahna Duqa Degmadda Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa ka hadlay xadhiga Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Boorama oo Ciidamadda Amaanku ay Xabsiga u taxaabeen, kuwaas oo loo xidhay Rabshado Shalay ka dhacay Magaaladda Boorama.
 
 
 
 
Maayirka oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Boorama waxa uu Dhalinayaradda ku dhaqan Magaaladaasi ugu baaqay inay Nabad-gelyadda ilaaliyaan.
 
 
 
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Xildhibaanaddu Xasaanad-bay leeyihiin, Maamuus iyo Sharaf-bay leeyihiin in la ilaaliyaana waa waajib Qof aan Dambi gelina Deel-qaafbuu u arkayaa marka Gacan khaldani ku dhacdo, hase-yeeshee waa mid aanu ka wadda-hadalnay Maamulka iyo Masuuliyiinta timid Gobolka Awdal. Xalay (Habeen hore) ayaanu ku balansanayn in aanu iskaga nimaadno maadaama oo ay Xili dambe ahayd oo aanan Wakhtigaasi ka hawl-geli karaynin, kolay marka uu hawl-gal jirana Go’aamo badan-baa soo baxaya kii aanu ku balansanayn maahee Go’aan kale ayaa soo bixi-kara , markaa Go’aan dambe aanan la socon-baa yimid oo lagu qaaday , Waagu marka uu barynayna waxaanu ku warhelnayn in Xildhibaanadda la raaciyay Dhalinyaraddii la xidhay.”
 
 
 
 
Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Booram Saleebaan Xasan Xadi waxa uu ku baaqay inay Dhalinayraddu ay ilaaliso Nabad-gelyadda, waxaanu yidhi “Dhalinyaradda Boorama waa Dhalinyar aad isku maqasha, waa Dhalinyar degan ilaa haddana wadda shaqaynta aanu leenahay aad bay u fiican tahay 100%, waxaan ku waaninayaa inay Nabadgeylada Magaaladda ilaaliyaan oo ay nagala shaqeeyaan sidii awalba ay noogala shaqaynayeen, wixii iyaga Deel-qaaf ku ahna inay si togan u sheegaan oo ay yidhaahdaan waxaas ayaa nalagu sameeyay oo dhibaatadda ay sheegtaan, laakiin Dhagax la tuur-tuuro iyo Mudaharaad la sameeyaa macano badan ma samaynayaan, inkasta oo aanay Mudaharaad samayn. Warbaahintana waxaan leeyahay yaan la buun-buuni waxaan jirin.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha degaanka Boorama.
 
 
 
 
 
Berbera news/Boorama.