“Haddii waysadaadu kugu burqato waa la aamusaaye cid lama marmariyo..”Wasiir Xigeenka Aminga

Hargeysa-(Jam/Berberanews)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in la fulin doono dhammaanba xukunnada fulinta ah ee ka soo baxay maxkamadaha kala duwan ee dalka oo ay ku jiraan dadka dilka lagu xukumay.wasiir xigeen

Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Cilmi (Cali-gadheer) oo waraysi khaas ah siiyey Jamhuuriya shalay, ayaa caddeeyey in maxkamadaha, Wasaaradda Daakhiliga, booliska, Wasaaradda Caddaaladda iyo Maayirka Hargeysa kulan gaar ah ka yeelan doonaan sidii loo meelmarin lahaa xukunnada fulinta ah Isniinta maanta.

Waraysiga Wasiir-ku-xigeenka oo lagu weydiiyey su’aalo kala duwan iyo jawaabaha uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:

Jamhuuriya: Wasiir, waxa jirta in dhallinyaro falal rabshado ah ka sameeyeen hudheelka Crown ee Hargeysa, burbur iyo dhaawacyo kala duwanna gaysteen, waxana la sheegay in xukuumaddu ka dambaysay weerarkaas?



Wasiir Cali: Way jirtaa in xisbiga mucaaridka ee WADDANI ku qabsaday xaflad hudheelka Crown. Sida aannu xaqiiqda ku haynno dadkii ay iyagu meesha isugu keeneen ayuun baa dhexdooda ka dagaallamay, eedaymaha ay u jeedinayaan madaxtooyada, xukuumadda iyo hay’adaha dawladda wax alle wax ka jiraa ma jiro, waxana la yidhi haddii waysadaadu kugu burqato waa la aamusaaye cid lama marmariyo, markaa waxaannu leenahay weysadiinna ayaa idinku burqatay ee cid kale eed ha u jeedinina, wax dacwad iyo cabasho ah oo WADDANI noo soo gudbiyeyna ma jirto.

Jamhuuriya: Mulkiilaha huteelka Crown waxa uu sheegay inuu cabasho idiin soo gudbiyey, miyaanay taasi jirin?

 Wasiir Cali:  Anigu eedaymo warbaahinta laga jeediyey ayuun baan arkay oo aan la yaabay. Marka qof ama cid wax ku dhacaan waxa uu dacwaddiisa u gudbiyaa hay’adaha ku shaqada leh, kadibna iyagaa ka jawaaba dacwaddaas oo dabagal ku sameeyo, laakiin qofku markuu warbaahinta soo fadhiisto ma aha qof dacwoonaya ee waa qof wax kale u jeeda, markaa waxaannu leenahay qofka marka wax gaadhaan cabashadiisa halka ugu habboon ha u qorto, marka ay waxba ka qaban waayaana ayuu cabashadiisa muujinayaa, markaa ma jirto cid dacwad noo soo gudbisay.

Jamhuuriya: Waxa jira xukunno fulin ah oo ka soo baxa maxkamadaha kala duwan ee Somaliland, waxana masuuliyiintiina Wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu eedeeyaa in aad horjoogsateen fulintooda?

Wasiir Cali: Horta annagu wax ma xukunno wasaarad ahaan, laakiin wixii maxkamaduhu soo xukumaan, fulintoodana soo saaraan in la fuliyo waa mid meesha ku jira. Haddii la fulin waayo xukunnada ka soo baxa maxkamadaha waa dawlad la’aan, markaa annaga way naga go’an tahay in la fuliyo, wayna jiraan xukunno fulinno badan ah oo is-gaadhay, laakiin, arrintaa waannu gebagebaynay oo berri (maanta) oo taariikhdu tahay 8 December 2014  waxa aannu ballansannahay maayirka magaalada, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, booliska, maxkamadaha iyo Wasiirka Caddaalada, waxaanan yeelanaynnaa shir lagaga hadlayo sidii loo fulin lahaa go’aannada fulinta ah ee ka soo baxa maxkamadaha dalka, iyadoo sida ay u kala horreeyaana loo fulin doono.

Waxaannnu u sheegaynnaa cid kasta oo reer Somaliland ah ku dhaqan gobollada iyo degmooyinka dalka oo xukun fullin ah ka yaal inay dhaqaaqi doonto, lana fulin doono ilaa haddii ay yihiin xukunnada dilka oo la fulin doono, qofka ama cid kastoo si u kas ah ama badheedh ah u disha qof kale oo xukunka fulinta ee dilkoodu ka soo dhammaaday maxkamadaha, madaxweynuhuna saxeexo waa la fulin doonaa, xukun dil ah ayaana lagu qaadi doonaa.

Dadweynaha reer Somaliland waxaannu u sheegaynnaa in maanta laga bilaabo qof kasta oo xaq-darro wax kaga haysta qof kale in aan laga laaban doonin, sharciga iyo xukunnada maxkamadahana sidooda loogu dhaqmi doono, loona fulin doono, markaa imminkaba qofka ka caban doona maxay wax iigu dhaceen ama xukunka la iigu fuliyey ha ka sii tabaabushaysto, kana sii ururso inta aan xukunka lagugu fulin.

Cidda wax lagu haysto iyo qofka wax kale ku haysta qof kale waxa u dhexeeya sharciga. Cidna kama sarrayso sharciga, runtiina qof toban sanno iyo shan sanno kiiskiisu ku jiray maxkamadaha oo gartii ku guulaystay, xukunna laga soo saaro ee is-yidhah maalintii u dambaysay ayaad maraysaa, waxna noo fulin waayo waa arrin ayaan-darro ah, markaa haddii aannu nahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo cidda kale ee ay khusaysaba waxaannu isugu baaqnay shir, waana la fulin doonaa xukunnada maxkamadaha. Qofka ka cabanayey fulintaydii ayaa la is-hortaagay waxaannu leenahay way dhammaatay hawshaasi, waana la fulinayaa, waxana la soo saari doonaa liis la soo dhejin doono, iyadoo xukunnadu sida ay u kala horreeyeen loo fulin doono.

Jamhuuriya: Waxa jira dad hubaysan ama guryaha hub u yaal oo marka xukun maxkamadeed la fulinayo is-hortaag ku sameeya, maxaa arrintaas idiinka qorshaysan?

Wasiir Cali: Wasiirka Arrimaha Guduhu dhowaan wuxuu shirar la qaatay cuqaasha dalka oo dhan, arrimaha uu kala hadlayna waxa ka mid ah in aannu mag-dhaw la hayn qofka hub kala horyimaad ciidanka, waxayna saxeexeen cuqaashu arrintaas, waana la dhaafay maanta in qoys hub ama qori kala horyimaad ciidanka, tallaabada ku habboon ee sharciga ah ayaana laga qaadi doonaa cid kasta oo is-hortaagta xukun fulin ah oo maxkamadaha ka soo baxay.

Jamhuuriya: Waxa jirta in muddooyinkii u dambeeyey la arkay dad lagu waxyeelleeyey magaalooyinka oo khasaare kala kulmay dhallinyaro ama tuug hubka fudud ee toorriyaha iyo soodhadhku ka mid yihiin haysta, arrintaas ka warran?

Wasiir Cali: Waxaan u sheegayaa bulshada reer Somaliland in qofka lagu qabto hub sharci-darro ah la xidhi doono, lana ganaaxi doono, iyadoo ciidanka soo qabta la siin doono kala badh lacagta ganaaxa ah, maxkamadahana qayb laga siin doono, markaa ma aqbalaynno dad sita hub sharci-darro ah nooc kasta oo uu yahayba, gacan bira ayaanan ku qaban doonnaa, iyadoo qofka tumaalka ama farsamo-yaqaanka ee lagu qabto isagoo cid u samaynaya hub sharci-darro ah waxa uu la kiis noqonayaa kuwa dambiyada ku gala hubka fudud.