Suldaan Xiiray oo moodaya in haya’daha gaadhi lagaga helo aflagaadeyn aannu xaq uugu lahayn by Abdi Mustafe

Berberanews-Suldaan Xiiray Isaga oo hadalka ku higoonaya ileyn wuxuu isku qaaday wax aannu aqoon u lahayn e ayuu yidhi ha laga saaro haya’daha dalka waxba ma qabtaan e. Taasi waxay cadeynaysaa in uu caqli xumo darteed is leeyey gaadhi ha ku siiyaan iyo laaluush.
Suldaan Xiiray markuu guulwadeyntii madaxtooyadu ka dhamaatay oo aan beeshiisuna aanay waxba weydiin ee ciyaalku suuqa eryadaan dhagaxna la dhacaan haduu arimaha reerka ka hadlo ayaa isku qaaday ka hadalka haya’daha Somaliland ka adeega oo aannu wax uu ku dhaliilo  u ahayn. Hadala diisa waxa ka mid ahaa bal eegaa marka sanadku dhamaanyo siminaaro ayay qabtaan e. Wax alaale iyo wax uu kala socdo wax qabadka haya’daha ma jirto sifaha ay u shaqeeyaana ma fahmi karo, weliba xaqna uuma laha inuu soo hadal qaado sababtoo ah isugu muxuu yahay. Waa Suldaan isagu is caleema saaray oo weliba jaahila oon wax tacliiin ah lahayn.  Wuxuu u muuqdaa in uu moodayo haduu erayadaa ku dhawaaqo in haya;duhu laaluush siinayaan uu ka mid yahay gaadhi. Suldaan Xiiray oo ah dadka madaxtooyada u basaasiinta ah oo kolba ciyaalku Hargiesa ku shiidaan ayaa markuu wax uu qabto waayay isku qaaday ka hadalka haya’daha. Bal idinkuba caqlaa leediin ee maxaa u geeyey oo aan jahli iyo hunguri aan ahayn. Xiiray waxaan leeyey wax aad garanayso ka hadal. Mida kale muxuu yahay Suldaan xiiray oon ahayn guulwade madaxtooyada hoos taga. Xiiray ha ogaado in uu xadkiisii ka soo gudbay oo ay gaadhay xiligii ciyaalku suuqa eryan jireen haduu guulwadeynta iyo hunguri uu ku heysto haya’daha aannu joojin. Caqli iyo cilmi toona malaha Suldaan xiiray oo waxan uu ka hadlayo ma garanayo ee waa dhidar onkod kiciyey oo wuxuu sheegay in wasiiro gawaadhi haya’duhu siiyeen isna gaadhi buu ka doonayaa aannu xaq u lahayn sababtoo ah wax uu yahayba ma jirto ee sideebuu gaadhi kaga helayaa haya’daha dalka ka adeega ee intaas oo shaqaala ihi ka shaqeeyaan. Xiiray waa boog aan bogsanayn tan iyo inta uu madaxtooyada xidhiidhka la leeyey iminkana haya’dihihii sama falka ee bulshada u adeegayay ayuu aflagaadeyn ku bilaabay. Xiiray ha ogaado in boqolaal shaqqle ihi joogaan haya’daha oo haduu mar danbe soo hadal qaado in aqal kiisa daad uugu soo geli doono.