“Qabyaaladda Madaxweynaheedu Wuu Joogaa, Waa Siilaanyo” Xidhibaan Bashiir Tukaale

Hargeysa(Berbera news)- Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee sida badan naqdiya siyaasada uu dalka ku hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo, kana tirsan Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in Somaliland ku dhaqanka Qabyaalada ay u haysto Madaxweyne si wanaaagsan ugu shaqeeya, isaga oo arimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi: “..
 
 
 
Qabyaalada Madaxweynaheedu waa Siilaanyo oo wuu joogaa. Madaxweyne hab-qabyaaladeed baynu kugu keenay halkan, Maantana kaaga qaadaynaa..”.         Sidoo kale, Xildhibaan Tukaale isaga oo lan hadlaya dadweynaha ku dhaqan Xaafada 26-ka Juin, oo iyagu taageero lixaad leh u fidiyey Madaxweyne Siilaanyo doorashadii 2010-ka ee aqalka Madaxtooyada, waxa uu yidhi: “..Xaafadda 26-ka Juin waxaan leeyahay maalintii hore waa inagii CILAAJNAY Siilaanyo, Maantana waxaynu dabiibaynaa mid kale oo idin xiga, markaa gacantiinii TUFTA lahayd ayaa la idinka sugayaa..”.
 
 
 
Berbera news/Hargeysa