Maroodi DaroogoTahriibinaya

Koox Maroodiyaal ah oo ku nool dalka China, ayaa qabatin (la-qabsi) la sammeeyay maandooriyaha Heroin ka dib markii ay kooxaha ka ganacsadaa u isticmaaleen jidhka maroodiga inay ku dhex qariyaan.

Mara maroodigu qabatinka la sammeeyo maadadan waxay u suurtagelisaa kooxaha ka ganacsada inay fursad u siiso amarradooda inuu si sahlan u qaato maroodigu, taasoo u suurtagelisa inay ku raraan Heroin xaddigeedu badanyahay oo lagu dhex geliyo jidhka maroodiga, taasoo laga tallaabiyo xadka u dhexeeya China iyo Myanmar.

maroodiga

Xayawaanka badanaa waxaa lagu soo celiyaa xaaladoodii caadiga ahayd, Marooigu wuxuu noqday mid qabatin la sammeeyay Daroogadan ka dib markii laga dhergiyay muus la dhexgeliyay Heroin.

Booliska China ayaa gacanta ku dhigay Maroodiyaashan Daroogada Xambaarsan.