Jacaylka koowaad ee qofka ka fashilmaa waxa uu caqabad ku noqdaa noloshiisa dambe

Berberanews-Cilmibaadhayaal ka tirsan Jaamacadda Escas ee dalka Ingiriiska oo dhowaan sammeeyay daraasad xidhiidhka bulshada ah, ayaa sheegay xasuusaha maskaxda uu ku reebo jacaylka ugu horreeya ee uu qofka ka fashilmaa inay carqalad ku noqdaa nolosha Jacayl iyo xidhiidhka qoysnimo ee qofku mustaqbalka galo.

Sida lagu baahiyay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriisku, daraasaddan waxaa diyaariyay madaxda baadhitaannada cilmiga dhaqaalaha iyo bulshada oo ka tirsan jaamacadda Escas oo soo saartay buug si faahfaahsan u qoraya daraasaddan.

Photo sources, darapoznar.com
Photo sources, darapoznar.com

Wargeyska Daily Mail waxa uu sheegay in natiijada daraasadani daah-furtay in dadka jacayl qoto dheer oo hore ka fashilmay marka ay qof labaad la dhistaan nolol cusub haddii aanay si joogto ah isugu xidhnaan iskuna dayin inay xidhiidhkooda adkeeyaan ay dhacayso in xasuusaha jacayl ee hore iyo waayihii xiisaha badnaa ee uu qofkani la soo qaatay jacaylkii hore ay soo laba kacleeyaan, iyo in lammaanaha is guursada iyada oo uu jacaylkoodii u horreeyay uu yahay ay mar walba ka badhaadhe iyo farxadeed badan yihiin kuwa is guursada iyaga oo midkood ama labadooduba ay leeyihiin taariikh hore oo jacayl.


Malcom oo ka tirsan khubarada Cilmibaadhistan sammaysay ayaa la weydiiyay sida ugu haboon ee ay si farxad leh ugu wada noolaan karaan lammaane leh taariikh hore oo jacayl, ayaa waxa uu ku jawaabay, “Sida ugu fiican eeay nolo farxad leh oo wakhti dheer u wadaagi karaan waa inmid walba illaabo jacayladiisii hore.. haddii aanau meel iska dhigin xusuusaha hore ee jacayladiisii hore noloshoodu waxay noqon doontaa rajo xumo iyo burbur”.

Daraasaddu waxay sheegtay in lammaanaha jacayl hore ka soo fashilmay ay dhibaato badan kala kulmaan marka ay ruux kale nolol la wadaagaan, sida ugu dhow ee ay duruufahaas kaga gudbi karaan ay tahay in uu markasta ruuxu ku dadaalo in uu mataankiisa cusub la sammeeyo ficillo iyo hadallo xiise gaar ah nafta ku beera oo maskaxda kaga dhiga in ay ruuxan xusuusato marka ay kala fog yihiin,si xusuusta ruuxii hore u daciifto amau fogaado.

Berberanews.com

info@berberanews.com