Fadeexadaha Dul-hoganaya Baratakool-xumadii Guddida Qaban-qaabada 18 May + Is Dhex-yaacii Madaxtooyadda Iyo Warbaahintii Maxaliga Ahayd Oo Laga Doorbiday Tii Somalia

Hargeysa (Berbera news)   Guddidii heer qaran ee qaban-qaabada 18 May ee Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), u magacaabay xuska 23-guurrada ka soo wareegtay markii Somaliland dib-ula soo noqotay madaxbanaanideedii 18-kii bishii May ee 1991-ka, ayaa ku fashilmay qaabkii ay u soo agaasimeen munaasibadii lagu xusayay 18 May ee shalay (doraato), kuwaas oo aan samayn xataa goobo dad weynuhu ay ka daawadaan fantisiyaha iyo dabaal degyada kala duwan ee ay dhigayeen bulshada kala duwan iyo ciidamada qaranka Somaliland oo sixoog ah dareenkooda ugu muujinayey qaadiyada madax-bannaanidooda iyo siday beesha caalamka u tusaan rabitaanka gooni isu-taagooda.
 
 
Maaweeladii xafladii lagu xusayey habeen hore 18 May ee lagu qabtay Qasriga madaxtooyada Somaliland, ayaa ku fashilmay inay soo bandhigaan riwaayad ka turjumaysa dareenka qaadiyada shacabka, kadib markii fannaaniintii sheeganaysay waayo arraga iyo qolyihii yar-yaraa is xaasideen, iyadoo fannaaniinta ka soo yaacay waddamada Yurub ay Mikirifoonadii ka xidhatay fannaaniintii reer Hargeysa ee dhigayey Riwaayadii Madaxtooyada waxaanay ahayd mid is dhex-yaac iyo jaah-wareer ah oo aanay ka muuqan wax habayn ah. Guddida Madaxweynuhu u magacaabay oo Magacyaddoodu kala ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye), Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta,Wasiirka Wasaaradda Wax-barashadda iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta, Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda,La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka laga tirada badan yahay, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac, Mudane, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Xubin Ka mid ah Isu-tagga Dallada Hay’adaha Aan Dawliga ahayn (SONSAF).
 
 
Guddidii heer qaran ee Qaban-qaabadda 18 May oo ceebtooda ay u soo baxday Bulsho-weynta Somaliland, ayaa doraato ku fashilmay hawshii qaban-qaabadda ee madaxweynuhu u xil saaray, iyadoo aanay xil iyo masuuliyad iska saarin qoddobo muhiim ah oo ay ahayd inay hawsha munaasibadana sii muujin lahayd sidii codka dad weynaha reer Somaliland meel fog u gaadhi lahaa. Qoddobada ay Guddida qaban qaabadu ku fashilantay waxa ka mid ah inay dalka keenaan si ay goob joog uga noqdaan saxaafadda caalamiga ah oo meel fog-gaadhsiin lahaa khudbadii Madaxweynaha Somaliland iyo dareenka shacabka, sida TV-ga Al-jaziira, CNN-ta BBC-da, Wargeysyadaka soo baxa Caalamka iyo wakaaladaha wararka ee waaweyn oo sanad-guuradii 22-aad ee kal-hore kaalin weyn ka qaatay dedaaladii wararka munaasibadda lagu gaadh siinayay beesha caalamka, iyadoo qasdiga ugu weyn ee munaasibadan loo weynaynayaa ay tahay kaliya in caalamka loo soo bandhigo qadiyadda iyo rabitaanka ummadda reer Somaliland.
 
Qodobka kale ee guddidu ku fashilantay waxa weeye baratakool-xumo iyo is dhexyaac ka jiray Qasriga Madaxtooyada horteeda ee Madaxweynuhu fadhiyey, iyadoo aanay jirin goob ay u asteeyeen Warbaahinta codadka duubanaysay, isla markaana waxa dhamaan la joojiyey Warbaahinta Wargeysyada oo ciidamada boolisku ay u diideen inay waxduubtaan, halka Warbaahinta maxaliga ay ka door bideen laba Tilifeehsan iyo midhadh Soomaali weyn ah oo ay geeyeen Madaxtooyada, waxaana xusid mudan in arrintaasi dhalisay in sawiradii TV-yadu ay tabiyeen aanay ahayn qaar tayo ahaan wanaagsan oo waafaqsan heerkii TV-yada wararkoodu ahaa qaab aan fiicnayn.
 
Dadweyne badan ayaa doraato-galab illaa habeen hore ku hungoobay Tv-yada gaar ahaan Telefishanada Al-Jaziira, CNN iyo TV-ga BBC-da iyo Wargeysyada caalamka oo ay ka baadhayeen mareegta ay ku leeyihiin Internaydka oo ay doonayeen inay ka daawadaan dhoola tuskii weynaa ee qaran ahaan doraato ugu dabaal-degayeen sannad guurrada 23-aad ee madax-banaanida Somaliland.
 
Dadweynahaasi waxay Guddida ku tilmaameen kuwo kala dhantaalay dhamaystirkii xaflada maadaama oo ay ku guul-daraysteen inay warbaahinta caalamiga ah u soo ijaartaan xuskan, iyadoo ay jirtay lacag aad u badan oo loogu tallo-galay in ku kala wadaan hawsha qaban-qaabadda xuska oo aan la garanayn meel ay geeyeen, waana talaabada if-tiiminaysa musuq-maasuqa ay ku talaabsadeen.
 
Waxa kale oo samayn ku yeeshay dhalinyaro badan oo Kamarado sitay, oo iyagana waxba laga duuban kariwayey oo sawir qaadayaal u ah madaxtooyada, taasoo Wariyaal badan oo ka shaqeeya jaraa,idka oo doonaayey inay faalooyin ka qoraan xuska u saamixiweyday qaabkii ay u shaqayn lahaayeen iyo ciidamada booliska oo aan la farin in Warbaahintu u adeegayaan qaran-nimada iyo inay yihiin awooda afraad ee dalka.
 
Sidoo kale, waxay guddidu xalay (habeen hore), gabi-ahaanba xafladii xarunta madaxtooyadda ay ka Xanimeen ama ka joojiyeen jaraa’idka, iyagoo ku casuumay tobaneeye Telefishan oo intooda badan aan laga lahayn dalka oo Soomaali weyn ah, kana soo horjeeda qaadiyada Somaliland . Tallaabada ay qaar ka mid ah warbaahinta kaga horjoogsadeen munaasibaddii xuska 18 May ee habeen hore ayaa ka mid ah dhaqamadda sii kala fogayn-kara warbaahinta iyo xukuumadda Madaxweynaha Somaliland, isla markaana ciidamada booliska ee ilaalada madaxtooyada ayaa warbaahinta hor-timi qasriga madaxtooyada ula dhaqmay si aad u fool-xun, kuwaas oo qoriga intay cabaysteen dhuunta ka saaray qori keebku furan yahay, waxaana khatar gashay naftooda, halka Warbaahinta qaranka Somaliland difaacda dibadda looga celiyey kuwa Soomaaliweyn iyo Xasan Sheekh u adeegana ay siidaayeen, ahna kuwa qaranka Somaliland ka faa,iida lacag oo kaliya ee hoosta dagaalka kula jira waana arrin qaranimada Somaliland dhaawac weyn ku ah haddii aan wax laga qaaban dhaqamada foosha-xun ee masuuliyiinta xukuumadu ku kacaan ama dhaawac weyn ku keenaysa hoggaaminta Madaxweynaha Somaliland.
 
 
Geesta kale, Guddida Madaxweynuhu u saaray qaban-qaabada xuskii 18 May, ayaa qarashaadkii iyo lacagtii dawladu ugu talo gashay xuska 18-May aan la garanayn waxay ku bixiyeen, waxaanay warbaahintii caalamka, Wargeysyadii iyo Jaraa,idka gudaha dalka ka soo baxa ka door bideen shaqsiyaad ah Tilifeeshanada Soomaaliweynta ah iyo laba gudaha ah, uguna talo galeen xuska 18 May oo ah maalinta dhidibada loo taagay qaranimada iyo dawlada ay maanta hadhsanayaan shacab-weynaha reer Somaliland, waana mid ku ceeb ku ah qaran-nimada Somaliland. Waxa kale oo la sheegay in shirkad laga leeyahay dalka Chinaha khadaraas lagu siiyey samaynta calanka intii ay ku dabaal dagayeen shaqaalaha dawlada Somaliland, iyadoo dalka gudihiisa ay ku samayn karaan muwaadiniinta u dhashay dalka. Hase yeeshe fashilaadaha iyo ceebaha ugu weyn ee sida tooska ah uga dhex-muuqday munaasibadii 18 May ee habeen hore iyo doraato waa baratakool-xumada qasriga madaxtooyada ka jirta iyo xubno dhalinyaro ah oo halkaas ka shaqeeya oo aqoon u lahayn baratakoolka oo ku mashquulsan oo kaliya daawashada dharkooda iyo ammarada kala duwan oo qas iyo jaah-wareer galiyay xuskii 18 May, waxayna khatar iyo ceeb ku tahay qaran-nimada Somaliland, islama markaana dad weynaha reer Somaliland ayaa is kood isu-abaabulay oo is maamulay, waxaana maalin-ba maalinta ka dambaysa kor u sii kacaaya dareenka ay shacabku ku muujinayaan qaadiyadooda iyo qiimaha ay ugu fadhido 18 May.
 
 
 
 
Berbera news/Hargeysa.
Source Wargeyska Ogaal.