Qaramada Midoobay Oo Baaq Ka Soo-saartay  Macaluul Ku Habsata  Somalia

Hargeysa (Berbera news)  Qaramada Midoobay ayaa ka digtay cunto yari iyo macaluul suuro gal ah oo  Soomaaliya ka dillaacda dhawrka bilood ee soo soo socda.
 
U-qaybsanaha Qaramada Midoobay ee Gargaarka Bini’aadmnimada Soomaaliya Philippe Lazzarini, ayaa shir-jaraa’id oo uu magaalada Geneva ku qabtay arrintan ka sheegay.
 
Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee ay dhanka bini aadamnimada ka wada shaqeeyaan, waxay dalbadeen 933milyan oo doolar si ay xaaladda cunto yarida wax uga qabtaan, lacagtaas oo sida Philippe Lazzarini uu tilmaamay ilaa hadda 15%  oo kamid ah la soo ururiyay.
 
Bishii November ee sannadkii hore [2013], waxaa warbixin Qaramada Midoobay kasoo baxday lagu sheegay in xaalad cunto yari ahi ay soo wajihi doonto 7.1 milyan oo qof oo Soomaali ah, dadkaas oo badankoodu ku nool gobollada dhexe iyo waqooyi bari Soomaaliya. – See more at:
 
Berbera news/Hargeysa.