Kooxo Kala Taabacsan Axmed Goddane Iyo Mukhtaar Roobow Abu-maansuur Oo Ku Dagaalamay Jubadda-dhexe

 Hargeysa (Berbera news) Wararka laga helayo Degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhaxe ayaa sheegaya in Maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamo kala taabcsan Amiirka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Mutaar Abuu Zubeyr iyo Ciidamo kale oo daacad u ah Sheekh Muqtaar Roobow (Abuu Mansuur).
 
Goob joogayaal kusugan Degmada Saakow ayaa u xaqiijiayy Qaar kamid Idaacadaha Magaalada Muqdisho in manta dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan uu ka dhacay Degmada Saakow walina halkaasi xiisad laga dareemayo.
 
Ku dhawaad shan qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalamay ayaa la xaiijiyay in ay dagaalkaasi ku dhinteen tiro kalana ay dhaawacyo soo gaareen , waxaana wali laga dareenayaa goobihii lagu dagaalamay kacsanaan iyo cabsi dagaal.
 
Lama oga ilaa hada waxa keenay dagaalka dax maray Ciidamada kawada tirsan Al-Shabaab , waxaana xusid mudan in Amiirka Al-Shabaab Abuu Zubeyr iyo Sheekh Muqtaar Roobow ay kala fogaadeen fikir ahaan uuna Sheekh Roobay ka baxsaday Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose.
 
 
 
Al-Shabaab kama aysan hadlin warkan sheegaya in ciidamo dhaxdooda ah ay Maanta dagaalameen , waxaana inta badan Xaraka Al-Shabaab aan looga baran ka hadalka dagaalada iyo qalalaasaha dhaxdooda ka dhaca. 
 
 
Berbera news/Hargeysa.