Madaxweyne Siillaanyo Oo Magacaabay  Wakiilka Somaliland Ee Dalka Turkiga

Hargeysa (Berbera news)  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa magacaabay Wakiilka Somaliland u fadhiyid-doona Dalka  Turkiga.
 
 
  Warsaxaaded ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland ayaa u dhignaa sidan:-
 
 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay,  JSL/M/XERM/249-2467/052014 Wakiilka Jamhuuriyada Somaliland u fadhiyidoona dalka Turkiga.

 

MADAXWEYNUHU:-

 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Turkiga;

 

Markuu La Tashaday:       Madaxda ay khusayso;

 

Markuu Ku Qancay:           in uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cali Axmed Cismaan (Tuuhe), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Turkiga.

 

Berbera News/Hargeysa.