Muuse Biixi oo Murrashaxnimadiisa Shaaciyey Xilli Hunguri Siyaasadeed ku Jiro Siilaanyo

Hargeysa-(Jam/Berberanews)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday inuu jagada madaxweyne ee xisbiga tallada dalka haya isku sharixi doono, isla markaana diyaar u yahay inuu KULMIYE dhexdiisa kula tartamo haddii madaxweyne Siilaanyo is-sharaxo.

Md. Muuse Biixi Cabdo oo waraysi siiyey BBC-da shalay, waxa uu caddeeyey in hankiisa siyaasadeed yahay kursiga dalka ugu sareeye ee madaxweynenimo, balse waxa uu xusay inay xisbi ahaan leeyihiin nidaam iyo aqoon lagu kala xakameeyo dadka is-sharaxaya si aannu khilaaf uga dhicin xisbigooda.

muuse iyo silaanyo

“Horta markaad xisbi guddoomiye u tahay shirkad baayac-mushtari maaha oo lacag laga macaashayo, waxaan u socdaa in aan ku gaadho meqaamka ama kursiga dalka ugu sarreeya ee madaxweynenimo oo ah waddada loo maro, waddadii baan hayaa, waddaduna sharci bay leedahay, xisbiguna sharci iyo xeerar buu leeyahay, qof kasta oo golaha dhexe ee xisbiga ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu is sharraxo, aniguna muwaadiniinta is sharraxaysa ee xaqa u leh ayaan ka mid ahay, qofkii kale ee xisbiga ka mid ahina xaq buu u leeyahay haddii uu yahay madaxweynaha iyo haddii uu yahay mid kale oo xil hayaba, laakiin waxaannu leenahay nidaam iyo aqoon lagu kala xakameeyo dadka tartamaya oo aannu xisbiga khilaaf ka dhex iman.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa 12 January 2014 daboolka ka qaaday in aannu jirin wax ka horjoogsanaya amma u diidaya inuu mar labaad isku sharraxo madaxweynenimada Somaliland, xilligaasoo madaxweynuhu ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Itoobiya.

“Xisbiga KULMIYE xubin ka mid ah ayaan ahay, madaxdiisana waan ka mid ahay, madaxweynihii qarankana waan ahay, wax iga hor jooga inaan iska soo sharraxana ma jiraan,” ayuu yidhi Siilaanyo xilligaas, iyadoo arrintaasina muujinayso in  madaxweynuhu leeyahay hunguri siyaasadeed oo uu mar labaad isugu sharaxo madaxtinimada dalka, maadaama dastuurku u ogolyahay inuu laba jeer xilka madaxweyne isku sharaxi karo.

Hasayeeshee, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo la waydiiyey waxa uu yeelayo haddii Madaxweyne Siilaanyo yidhaa waan is sharraxayaa, waxa uu ku jawaabay, “Waan soo dhawaynayaa, madaxweynuhuna xaq buu u leeyahay inuu is sharraxo, waana aasaasihii xisbiga, aniguna guddoomiyihiisii baan ahay, haddii aannu xataa labadayadu tartanno miyaanay sharaf ahayn, odaygaygii iyo ninkii uu siyaasadda ku soo kordhiyey haddii ay tartamaan miyaanay qurux iyo horumar siyaasadeed ahayn.”

Golaha Dhexe ee lagu doortay shirweynihii 3aad ee xisbiga KULMIYE, ayaa xaq u leh inay doortaan murrashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga uga qaybgeli doonta doorashada madaxtooda ee la filayo inay badhatamaha sannadka 2015 dalka ka qabsoonto, iyadoo la saadaalinayo in shirkaas Golaha Dhexe loolan siyaasadeed oo adag ku dhexmari doonto Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne Siilaanyo haddii aan midkood ka tanaasulin hankooda madaxweynenimo.