“Waxaan Rabaa Inaan Qabsado Kursiga Ugu Sareeya Somaliland, Qof Kastaa-na Xaq-buu U Leeyahay Inuu Is-sharaxo” Muuse Biixi

Hargeysa (Berbera news) Guddoomiyaha Xisbiga taladda haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in hankiisa Siyaasadeed ay ka mid tahay inuu isku soo-sharaxo Madaxtinimadda Dalka.
 
 
Muuse Biixi waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi uu maanta siiyay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka  Soomaaliga, ayaa waxa kale oo uu sheegay inuu soo dhaweynayo haddii uu Madaxweyne Siilaanyo uu yahay musharax mar kale u taagan Madaxtinimadda Somaliland.
 
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaanu rabaa in aanu raadino Ictiraafkii Somaliland,23 Sanno oo dalkani xor ahaa Ictiraaf muu helin, waxaananu rabnaa in aanu xoojino Siyaasaddayadda Arrimaha Dibada INSHA ALLAH Arrintaa Ictiraafkana guul-baa laga gaadhi doonaa”
 
 
“Horta Qabyaaladu waa wax ku wayn Soomaali oo dhan meel kasta oo ay joogaan ,gaar ahaan marka dadku Dagaalo galaan inagu imika in badan ayanu qabyaalada ka gudubnay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaanu intaas ku daray  “KULMIYE hore dadka qabyaalada wuu uga Saaray immikana wuu ka saarayaa,waxaan rabaa in aan qabsado Kursiga uga sareeya Somaliland qof kastaana xaqbuu u leeyahay in uu is sharaxo,waan soo dhaweynaa in uu Madaxweynuhu isa soo sharaxo hadaanu Tartanana waa qurux”
 
 

Berbera news/Hargeysa.