Baashe Maxamed Faarax oo ka hadlay Mowqifka cusub ee Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

Hargeysa(Berberaews)-Gudoomiye ku-Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md:Baashe Maxmed Faarax ayaa soo dhaweeyey  tallaabada Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil kaga noqday mowqifkiisii hore ee uu kaga soo horjeeday Somaliland.

“Waxaan u aragnaa wax wanaagsan,dee garaadku waxaa uu ku soo noqday dalkiisii garaad miisaan leh weeye  aad iyo aadna waxaan ugu faraxsanahay in aanu isaga iyo ragii la socdayba ay yimaadeen,si fiicana loogu soo dhaweeyey oo la tusay kal gacayl ay soomali land u qabto gobalada bariga,soo dhaweyn xad dhaafana waa loo sameeyey aad iyo aadna waanu ugu farax sanahay,waxaanan mahad balaadhan aanu u so jeedinaynaa waxa weeye shacbiga Somaliland waliba shacbiga dagan hargeysa sida sharafta iyo karaamada leh ee ay u soo dhaweeyeen garaadka,iyo waftigii la socdayba” ayuu yidhi Md Baashe.

Halkan ka daawo Video
 
f