Xafiiska Safiirka Mareykanka Ufadhiya Magaalada Nairobi Oo Warsaxafadeed Ka Soo Saaray Aarimaha Degmadda Taleex

Nairobi (berberanews)War saxaafadeed kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Nairobi ku taala ayaa waxaa loogu baaqay M/mulada Somaliland iyo Puntland inay joojiyaan xasarada ka oogan gobolka Sool gaar ahaan magaalada Taleex.

USA

War saxaafadeedka kasoo baxay Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumada Washington ay ka walaacsan tahay xaaladaha ciidamo isku ururisiga ah ee ka taagan magaalada Taleex taasoo oo dhibaato ku ah nabada degaanadaasi ka jirta sida warbixitanta lagu yidhi.

Dawlada Maraykanka waxay ugu baaqaysaa Somaliland iyo Puntland inay wada hadal nabadeed ku dhameeyaan qadiyadda gobolka Sool oo ka mid ah gobolada ay labada maamul isku haystaan.

“Waxaan soo jeedinaynaa in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka taagan dagaalna laga fogaado inta la awoodo” ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka ay soo saartay safaaradda Maraykanka ee Kenya.

waxaana dhawaan ciidamada Somaliland ay dhawaan gaadheen magaalada Taleex wallow ay mar dambe ka baxeen.

 BERBERANEWS-DESK

Hargeysa/Somaliland