Ukraine oo ruushka ku eedaynaysa inuu u tahriibiyay Argagixiso

BBC-Ra’iisalwasaaraha KMG ee Ukraine Arseniy Yatsenyuk, waxaa uu sheegay in Ruushku uu billaabay in uu u safriyo Ukraine dad argagixiso ah.

Waxaa uu ku eedeynayaa in Ruushku inuu doonayo inuu burburiyo madaxbanaanida Ukraine.

Waxaa uu hadalkan jeediyay iyada oo koox mucaaradsan Kieve ay qabsadeen xarunta maamulka magaalada Donateski oo kutaallo Bariga dalkaas.

Ukraine ss

Dad gooni u goosad ah

Dadka gooni u goosasadka ah waxaay weli haystaan xaruntii laga maamulayay gobolka ee magaalada Donateski.

Ciidammada Ukraine waxaay ku sii siqayaan gobolka, kaddib markii ay dib u qabsadeen garoonkii ciidammada cirka ee magaalada Kramatoraski.

Weriyaha BBC-du waxaa uu arkay gawaadhida ciidammada oo qafilan oo kusii socda bariga magaalada.

Maalin ka hor ayuu madaxwayne Putin sheegay in Ukraine ay qarka u saarantahay dagaal sokeeye.