Foosiya Yuusuf Xaaji-aadan oo daboolka ka qaadday Xidhiidh ka dhexeeyay Madaxweyne Silaanyo

Muqdisho-(Berberanews)-Raysal-wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay sababta ay ku noqotay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo hore loo sheegay inay Lacag ku iibsatay.Hase-yeeshee, waxay ku doodday inaanay kursigaas iibsan ee ay ku tagtay hab beelnimo ah.

Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxay sheegtay inay isku laf-hoose ama ilma-adeer ahaayeen Xildhibaan Ismaaciil Xasan Jaamac oo isagu ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo isagu xilkaas iska casilay, isla markaana Kursiga uga kacay Foosiya, ka dib markii Odayaasha qoyskooda iyo Ninka Kursiga ka kacay ka wadahadleen sida ay Foosiya sheegtay.

 Foosiya

“Waa talo Reer waxaan xildhibaanka ku noqday. Maan iibsan Kursiga, Xildhibaannimada lama iibsado oo waxaynu ognahay in Baarlamaanka Soomaaliya lagu yimaaddo Hab qabiil oo Beelaha laga soo xulo, markaa ninkii Kursigan ku fadhiyey Ismaaciil Xasan Jaamac Illaahay ha ciseeyee oo aannu isku laf sii hoose isku nahay oo aannu ilma-adeer nahay iyo Odayaasha qoyska ayaa ka wadahadlay arrintaas markii Wasiirnimadii iyo Raysal-wasaare ku-xigeennimadii aan ahaa meesha ka baxeen ayay ii garteen inaan kursigan fadhiisto.”

HALKAN RIIX OO DAAWO MUUQALKA WARAYSIGAN OO XIISE BADAN

“Laakiin, waxa ay Warbaahinta (Website-yadu) qorayeen ee Foosiya Kursiga Xildhibaannimada way iibsatay iyo saddex boqol oo kun oo Doollar bay siisatay iyo waxaas waxba kama jiraan ee waa been.” Sidaa ayay tidhi Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo Waraysi gaar ah siisay Telefeshinka Horn Cable oo uu Weriye Heello oo waraystay weydiiyey hadallada la isla dhex-marayey iyo Wararka la baahiyey ee sheegaya inay booska Xildhibaannimada iibsatay waxa ka jira.

 

Waraysiga ay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan bixisay oo aad u dheeraa, islamarkaana dhinacyo badan taabanayey waxa lagu weydiiyey xidhiidh dheer oo ka dhaxayn jiray qoyskooda iyo qoyska Madaxweynaha Somaliland, halka uu ku dambeeyey iyo in wax xidhiidhi dhex-maray intii ay Soomaaliya u wareegtay, waxaanay sheegtay inaanu wax xidhiidh ah oo toosi dhex-marin intii ay xilka ka qabatay Soomaaliya. “Xidhiidh dhaw baa naga dhexeeyey Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Qoyskiisa, laakiin waa iska Afrika iyo siyaasaddeeda, qoys ahaan muddo dheer baannu xidhiidh lahayn, immikana guul baan u rejaynayaa.” Sidaa ayay tidhi Xildhibaan Foosiya Yuusuf

Xaaji Aadan.

 

Xildhibaan Foosiya waxay sheegtay in Dhulka Somaliland iyo Soomaaliyaba khayraad badan oo dihini ku jiro, Badaha iyo Berrigaba, sidaa awgeedna ay jiraan dalal badan oo ku xeeran oo aan haysan khayraadka ay haystaan mid la mid ah, kuwaasoo tiro ahaan ka badan guud ahaan Soomaalida, iyada

oo tusaale u soo qaadatay Itoobiya oo ay sheegtay in dadkeedu Sagaashan Milyan marayo, Kenya oo Afartan Milyan dadkeedu marayo iyo dalal kale oo badan oo ka dad badan Soomaalida, kuwasoo ay sheegtay haddii aan Soomaalidu midoobin inay halis badan ugu jiraan in la wada qabsado.

 

“Soomaali oo dhami 12 Milyan kama badna, dalalka innagu xeeran waad ogtihiin Itoobiya sagaashan Milyan oo kala qoomiyado ah ayaa ku nool, Kenya afartan Milyan baa ku nool, khayraadka dihin ee dhulkeenna ceegaagana ma haystaan. Markaa, haddaan la midaynin ma garanayo waxay noqon doonto.” Sidaa ayay tidhi Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah Siyaasiyiinta reer Hargeysa ee wakhtigan ka tirsan Soomaaliya. Waxaanay soo jeedisay in wax midho-dhal ah oo dhinac waliba ku qanacsan yahay laga soo saaro wadahadallada soo socda ee la filayo inay Turkiga

ku yeeshaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Sources, Himilo New Paper