Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ku Guulaystay Inay Garoowe Ku Celiyaan Maddaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Ku Soo Xadgudbay Somaliland

Sool-(Berberanews)-Ciidanka Qaranka Somalilland ayaa hawlgal ay shalay subaxii sameeyeen ku tagay meel sodan kilomitir u jirta magaaladda Garoowe ee maamulka Puntland.

Ciidamadda Qaranka ayaa ka warhelay safar uu ku imanayo magaaladda Tukaraq ee gobolka Sool madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar iyo wefti uu hogaaminayay, kaas oo dirqi kaga badbaaday inay ciidanka Qaranku qabtaan.
Ciidankan oo hawlgal balaadhan oo ay ku sugayaan amaanka xuduudaha Somaliland galay ayaa waxaa ay hawshaasi ku noqotay jidgooyo madaxweyne ku xigeenka Puntland, kaasoo ku sigtay inay isaga oo  nool qabtaan. Hase ahaatee, ka dib markii maamulka Puntland ka war helay hawlgalka ciidankaasi ayaa ay weftigan ku soo xadgudbay Somaliland dib ugu noqdeen magaaladda Garoowe.
 
Sida aanu ka helayno saraakiisha Ciidanka Qaranka waxa uu ciidanku abaaro afartii subaxnimo hawlgal balaadhan ka sameeyey jiidda xadka udhow si aanay ugu ogolaan inuu xadka ka soo talaabo madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland oo booqasho ku imanayey Tukaraq oo ah jiidda hore ee ciidanku fadhiyo.
Sidoo kale, Ciidanka Qaranka ayaa markii uu soo dhamaystay hawlgalkaasi dib ugu soo laabtay goobtii uu deganaa, isla markaana ka caydhiyey masuuliyiintii  booqashadda ku iman lahaa Tukaraq.