Hoggaan Cusub Oo Loo Doortay Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebidda

Hargeysa(berberanews) Gudiga Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iska soo dhex xulay gudoomiyaha cusub ee Gudidoodu yeelan doonto Warsaxafadeed gudidaasi soo saartay oo nuqul kamid ahi Soo gaadhay Xafiiska Wararka ee Shabakada Ramaasnews ayaa u dhignaa sidan:-

wanaag farisata

“Haddi aanu nahay Gudiga Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista ee Jamhuuriyadda Somaliland waxanu cadaynaynaa in aanu xilkii Gudoomiyenimo ee Gudiga u igmanay: Sheekh Cabdiraxmaan Muxamed Cabddale Cali oo noqonaya Gudoomiyihii Sadexaad ee Gudiga Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista ee Jamhuuriyadda Somaliland. Kadib kulan aanu isugu nimi 7/6/1435 kuna beegnayd 7/4/2014 oo ay kasoo qayb galeen xubnaha Gudiga Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista dhamaanyood na isku waafaqeen Gudomiyaha Cusub.

Warsaxafadeedka Gudigani ayaa lagu sheegay in wadda tashi iyo falanqayn dheer kadib laysku raacay in xubinta xilkani gudomiye nimo loo magacaabayo uu yeesho shuruudahan hoos ku qoran:-

1-Waa in uu yahay nin aqoon diineed iyo mid maadi ahba leh kana shaqeeyay Dacwadda.

2-Waa inuu yahay waayeel waayo aragnimo uleh habmaamuleedka dacwadda

3-Waa inuu yahay nin degan oo dad la dhaqan wanaagsan leh

4-Waa inuu yahay nin ogol talo wadaag oo aan ahayn keligii talis

5-Waa Inuu yahay nin dabooli kara ama ku haboon xidhiidhka dadweynaha dawladda iyi Gudida

6-Waa in uu yahay nin hawsha qaban kara isla markaana firaaqo u haya. Sidaas daraadeed Waxa laysku waafaqay in uu shuruudaha buuxiyay Sh- Cabdiraxmaan Muxamed Cabdale Cali

 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland