Hargeysa: Gabadh Meydkeeda la keenay Cusbitaalka guud, Sababta ay u dhimatay iyo Sheekh loo xidhay

Hargeysa-(Berberanews):-Allaah ha u naxariistee Meydka Gabadh dhalinyar ah oo la odhan jiray Ugbaad Axmed Ismaaciil, ayaa la keenay qolka Meydka Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, Gabadhaas oo da’deeda lagu sheegay 17-jir, ayaa geeriyootay, ka dib markii uu Nin dadka dabiibaa Koronto ama laydh uu madaxa kaga dhejiyey sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen ehelada Ugbaad.

BOOLISKA HARGEYSA

Gelinkii dambe ee Isniintii shalay, ayaa Meydka Allaah ha u naxariistee Ugbaad Axmed Ismaaciil la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, halkaasoo uu weli yaallo sida ay Aftahannews u sheegeen goob-joogayaal iyo Eheladeeda qaarkood, waxay Gabadhaas dhalinyarada ahayd oo xanuunsanaysay u dhimatay Korontu uu ku dhejiyey Nin Wadaad ah oo magiciisa lagu sheegay Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen, kaasoo dadku dawo-doonasho ugu tegi jireen oo dabiibi jiray xanuunnada Jinka iyo waxyaabaha la midka ah sida la sheegay.

Sheekh Cabdiraxmaan Xuseen, oo muddo dabiibi jiray Marxuumad Ugbaad oo uu gurigooda ugu iman jiray eheladu sheegeen, ayaa shalay Korontu la sheegay inuu dabiibkeeda u isticmaalay ku dhejiyey, isla markaana markii uu arkay inay geeriyootay Ugbaad Hooyadeed u sheegay inay suux-san tahay, ka dibna wuu baxsaday, hase-yeeshee, Ciidanka Booliska Saldhigga Ibraahin Koodbuur ee magaalada Hargeysa, ayaa gacanta ku soo dhigay ninkaas Sheekha ah oo ku dhuumanayey guri ku yaalla isla Degmada Koodbuur sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen ehelada Qoyska Geeridu ku timid.

“Ninkan wadaadka ahi waxa uu yidhi; ‘Jinkaa lagu saaraa Laydhka (Korontada) dabadeedna siday Inanta Hooyadeed noo sheegtay Laydh ayuu ku qabtay, markuu arkay inay dhimatay ayuu inanta Hooyadeed ku yidhi; ‘Ugbaad way yara suuxsantay’. Balse daqiiqado ka dib-ba dhiig ayay Ugbaad Sanka keentay.” Sidaa waxa yidhi oo Aftahannews.com u sheegay mid ka mid ah Ehelada Marxuumadda geeriyootay..

READ MORE…