Maanta Dadweynaha reer Afghanistan oo u dareeray Doorashada Madaxtinimada iyo Amaanka Oo Aad Loo Adkeeyay

Afghanistan(berberanews)Waxaa maanta oo sabti ah dalka Afghanistan looga dareeray doorashada madaxtinimada ee dalkaas oo ay codkooda dhiibanayaan boqolaal kun oo dadweyne ah.

Afghan_elections_

Waa doorashadii u horeysay oo xor ah oo ka dhacda dalka Afghanistan.

 Amaanka guud ahaan dalka ayaa si weyn loo adkeeyay iyad oo ciidamo ka badan 400,000 la kala geeyey magaalooyin kala duwan iyo goobaha codka laga dhiibanaayo.

images (16)

Shacabka ayaa soo dooran doona Madaxweynaha bedeli doona kan waqtigiisu dhamaaday Xamid Karzai oo aan sharaxnayn, maadama dastuurka dalkaas uu qorayo in qofka aan saddex jeer is soo sharixi Kareen.

Sideed musharax ayaa ku tartamaaya kursiga iyadoo laga cabsi qabo in kooxda Talibaan ee kasoo horjeeda Dowladda Afghanistan in ay weeraro ka geysato goobaha codbixinta.

Jimcihii ayaa la toogtay labo saxafi oo ajnabi ah kuwaas oo dalka Afghanistan u tegay in ay soo tebiyeen doorashooyinka taariikhiga.

Doorashadda manta ka bilaabantay ayaa lagu tilmaamayaa in ay tahay mid dimuquraatiya  ee ka dhada wadankan Afghanistan.

Ififaaladda doorashada dalka ayaa aad loo rumeysan yahay sedexda musharax ee lagu ugu sareeya dideeddaa musharax in uu hogaaminayo wasiirkii hore ee arrimaha dibada dawladii ugu horeysay ee uu soo dhiso xaamid karazia kaas oo ah ninka lagu magacaabo Cabdala Cabdala.

download (16)

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland/Office