Budhcad Afduub Ugaysta Xayawaanka Eyda Oo Ka Dilaacay Dalka Thailand+China Vietnam Kana Sameeya Hargaha Eyda Glove

China (berberanews) Budhcadaan sida Tuugaysiga ku xada Eyda ayaa la sheegaya in ay ka dilaaceen dalka Thailand oo xuduud wadaag la ah dalalka China iyo Vietnam oo si aan caadi ahayn looga isticmaalo Hilibka Eyda.

hhhgg

Dadkaan afduubka ugaysta Eyda oo kamid ah Xayawaanka Shacabka ku dhex nool ayaa kala talaaba xuduuda Laos ee kala badhaha dalka China iyo Thailand halkaas oo ay ku kala qaataan Lacago fara badan.

Dalka China ayaa lagu eedeynayaa in ay wado xad gudub ka dhan ah Xayawaanada iyaga oo u isticmaala Eyda Hilibkiisa cunis kadibna ka sameeya Maqarka ama Haraga Eyda kabaha, Suunka la xidho iyo Gloves-ka ama Gacan gashiga ay dadka Caalamka Isticmaalaan.

Dalalka China iyo Vietnam ayaa lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’ada la Dagaalanka Burcada Door joogta in dalkaasi China ay gabi ahaanba ka suuleen Eeydii ku noolaa kadib markii ay ku xadgudbeen oo ay baneysteen Cunista Hilibkiisa arrinkan ayaana lagu tilmaamay wax laga xumaado.

Si kastaba ha ahaatee Hilibka Eyda ayaa dalka China iyo Vietnam waxa uu ka yahay Hilibka ugu qaalisan ee Lacagta xooga ah lagu kala iibsado.

Hargeysa/Somaliland