“Dawladda S/land Waxay Soo Dhawaynaysaa Talaabada Geesinimada leh Ee Golaha Deegaanka Sheffield ..”Madaxwayneha Silaanyo

Hargaisa(Berberanews)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaabo geesinimo leh ku sifeeyay Go’aanka Golaha degaanka Sheffield ee Ingiriisku ku aqoonsaday Somaliland.

Axmed_silanyo_

“ Dawladda Somaliland waxay soo dhawaynaysaa Talaabada Geesinimada leh ee Golaha degaanka Sheffield qaaday. Dadka Somaliland way u qalmaan in la citiraafo” ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku sheegay Boggiisa Twitter-ka.

Golaha degaanka Sheffield ayaa shalay Aqoonsaday Qaranimada Somaliland, iyadoo noqonaysa Bogcadii ugu horaysay ee dunida ah, taasi oo si rasmiya u aqoonsata Jiritaanka iyo dawladnimada Somaliland. Shacabka Somaliland ayaa si aada u hadal haya, iyadoo la filayo inay Albaabada u furto arintani meelo kale oo dunida ah iyo siyaabo kale oo Citiraafka loo raadiyo.

 

Berberanews-Desk

Hargeysa/Somaliland

C/qaadir ismaciil Askar