Nin Google iska Baadhay oo ku War Helay Sawirkiisa oo Lagu Daray Dambiilayaasha Loogu Daydayga Badan Yahay

Qubane-(Berberanews)-Nin u dhashay dalka Maraykanka oo internet-ka isticmaalayey ayaa laftiisu shirkadda Google iska baadhay si uu u arko sawirkiisa, balse waxa uu ku war helay sawirkiisa oo ku jira dadka loogu daydayga badan yahay dambiilayaasha woqooyiga California.

google

Ninkan oo lagu magacaabo Christopher Viatafa oo 27 jir ah, waxa uu amakaagay marka uu mareegta lagu daabaco dambiilayaasha loogu raadinta badan yahay ku arkay sawirkiisa oo ku dhex jira dad boolisku raadinayaan, waxana lagu haystay inuu bilays ku rasaaseeyey saldhig bilays oo ku yaal magaalada San Leandro ee dalka Maraykanka.

Sida warbixinta uu helay ku qornayd waxay bilaysku sheegeen in ninkan la murmay booliska, kadibna uu rasaas ku furay, inkastoo aan qofna ku dhaawacmin, waxana lagu haysta inuu weeraray ciidan waajib qaran gudanayey.

Mareegta SFgate.com ayaa daabacday in Mr. Viatafa markuu isku arkay dambiga lagu haysto uu isku dayey inuu iska masaxo.

“Mareegtan dambiilayaasha lagu baadi goobo waa mid faa’iido u leh ciidanka iyo shacabkaba,” ayuu yidhi Mike Sena oo ah agaasimaha hay’adaha sirdoonka California.

Ibraahin Khadar Siciid