7 Arrimood oo Muhiim ka Dhigaya Cabbitaanka Biyaha Liin-macaanta

Berberanews-Dadka badankoodu waxay ku kalahaan cabbitaanka shaaha iyo kafeega, balse waxa cilmi-baadhiso caafimaad oo badan muujiyeen in qofka subaxa hore caba liin-macaan qasan caafimaadkiisu aad u fiicnaado.

Haddaba, waxaynu akhristayaashayada ugu talagalnay faa’iidada caafimaad ee ay liin-macaanku qofka u leedahay, annagoo ka soo kala ururinay daraasado tiro badan oo laga sameeyey arrintan.

  1. 1.      Waxan taageertaa in hab-dhiska difaaca cudurradu si fiican u shaqeeyo

Liin-macaanta waxa ku badan faytamiinka C-da la yidhaah, kaasoo caan ku ah inuu jidhka ka caawiyo in hab-dhiskiisa difaaca cudurradu noqdo mid si fiican u shaqaynaya, kaasoo difaac fiican u yeesha inuu ka hortago khataraha ku iman kara hab-dhiska neefsiga amma dhuumaha neef-mareenka. Waxa kale oo liin-macaanta ku jira maaddo la yidhaa Ascorbic acid, taasoo la mid ah Faytamiin C-ga, kana difaacda qofka in caabuq jidhkiisa ku dhasho. Maadada Saponins oo sidoo kale laga helo liin-macaanta laf ahaanteedu waxay ka hortagtaa walxaha cudurrada wada ee jidhka dibadda ka soo galaya, taasoo qofka sida joogtada ah liinta u qasta aannu qaadi karin xannuunka durayga amma hargabka. Maadada ascorbic Acid ee liin-macaanta ku jirta waxa ku badan macdanta Iron-ta, taasoo ka qaybqaadata in hab-dhiska difaacu si fiican u shaqeeyo.

fruath

  1. 2.      Waxay caawisaa hab-dhiska dheef-shiidka

aFacebook oo iibsaneysa Whats App
Shirkadda Facebook ee ay dadka sida aadka ah u isticmaalaan ayaa la sheegay in ay 19 billion oo doollar ku iibsaneyso barnaamijka Whats-app-ka farriin qoraalkeeda Whats-App, kaasi oo ay dadku ay si bilaash ah u adeegsadaan iyagoo kala jooga shanta qaaradood ee adduunka.
Barnaamijka WhatsApp ayaa ah mid caan ah oo ay adeegsadaan dadka iyaga oo aanan wax qidmad ah ka bixineynin farriin qoraaleedkooda. WhatsApp ayaa waxaa bishii isticmaala 450 million oo dad ah. Shirkadda leh WhatsApp ayaa sheegatay in ay imika maalintii iska diiwaangeliyaan hal milyan oo ruux oo macaamiil cusub ah.
War qoraal ah oo uu soo saaray aas-aasaha facebook Mark Zuckerberg  ayuu ku sheegay in WhatsApp uu yahay mid aan innaba caadi ahayn oo qiimo leh.
Aas-aasaha WhatsApp Jan Koum ayaa marka shirkaddiisa facebook iibsato wuxuu sii wadi doonaa howlaha shirkadiisa la iibsaday, wuxuuna sidoo kale ka mid  noqon doonaa howl-wadeennada facebook.
”Aad ayaan u xiiseyneynaa, sharafna noogu tahay in aan la midowno Mark iyo Facebook, si aan u sii wadno in aan wax soo saarkeenna ugu helno dad badan oo jooga meelo kala duwan oo caalamka ah”ayuu yidhi Jan Koum.
Facebook iyo WhatsApp ayaa labaduba waxay yihiin labo shirkadood oo leh macaamiil malaayiin gaadhaya oo si joogto ah u adeegsada, waxayna gacan ka geystaan xidhiidhka dadweynaha.

  1. 3.      Waxay nadiifisaa maqaarka

Faytamiin C-ga ku jira liin-macaanta amma walxaha kale ee antioxidans ah waxay maqaarka ka ilaaliyaan in dhaawaca soo gaadha han-baabuqo amma in maqaarka ay dhaw soo gaadhsiiyaan sunta degaannada ka jirta ee dikhawga hawadu sababto, gaar ahaan kuwa keena in maqaarku is laalaabo amma coodh-coodho.

Liin-macaanta oo afka laga qaataa waxay yaraysaa dhaawaca maqaarka soo gaadha ee keena laalaabka amma finanka tirade badan ee qofka maqaarkiisa ka soo baxa, waxaanay dhiigga ka saarta sunta cuntooyinka qaar sababaan. La soco….

Ibraahin Khadar Siciid