muuqaallo fashiliyay jacayl dhexmaray Madaxweyne Obama iyo Fannaanada Beyonce

Berberanews-Sawir Qaade caan ka ah dalka Faransiiska Oo Lagu Magacaabo, Pascal Rostaing, ayaa ka hadlay, xidhiidh jacayl oo u dhexeeya madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama iyo fanaanada caanka ah ee Beyonce.

Fadeexadan cusub ee uu sawir qaadahaasi ka waramay, oo uu ka sheegay waraysi Idaacada Euro1 ee dalka Faransiisku la yeelatay waxa uu ku iftiimiyay, xog uu ugu yeedhay inay tahay hor dhac, isaga oo intaa ku daray, in iyadoo faah faahsan ay saacadaha soo socda sawirada la xidhiidha xidhiidhkaa qarsoodiga ah ay soo bandhigi doonto warbaahinta Maraykanku waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sawir Qaadahani Muu bixin Faah faahin intaa ka badan, hasa yeeshee waxa uu xusay in si deg deg ah warbaahinta Maraykanku u baahin doonto xogo dheeraad ah iyo sawiro la xidhiidha, xidhiidhkaas hoose ee uu Madaxweyne Obama la yeshay gabadhaas heesaaga caanka ah, taas oo ka mid ahayd fanaaniintii xafladii mar labaad lagu caleemo saarayay Madaxweyne Obama ka tumayay, isla markaana hore u cadaysay inay taageersan tahay Madaxweyne Obama.

beonce2 beyonce1 Obama and beyonce