Wiil 12-jir ah Oo buskud uu xaday dartii U geeriyooday

Wiil yar oo 12 sano jir ah oo lagu eedeeyay inuu dukaan ka xaday dhawr xabbo oo buskud ahayaageeriyooday sidii loo garaacayay magaalada la yiraahdo Bihar oo ku taala wadanka Hindiya
download (3)
Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rag ka tirsan koox laga baqo oo magaladas degen inay si aan kala joogsi laheyn u garaaceen wiilka yar oo uu dacweeyay milkiilaha dukaanka uu buskudka ka xaday.
Wiilka yare e geeriyooday oo la yidhaahdo Chhotu Kumar ayay howl wadeenadda caafimaadku sheegeen inuu u geeriyooday dhaawacyo kasoo gaaray meelo badan oo jirkiisa ka mid ah waxaana haddana isbitaalka magaalada dhacadaani ka dhacday lagu daweeynayaa wiilka kale oo 13 sanno jir ah oo asna wiilkaan la socday lalana jir dilay.
Dad ku sugnaa goobta ay dhacdadaani ka dhacday ayaa u sheegay warbaahinta in kooxda wiilasha yar yar weeraray ay dharkii ka qaateen markii ay ku dileen kadib.
Waalidiinta caruurtan dhalay ayaa maxkamad magaalada ku taala ay ku xukuntay inay bixiyaan lacag dhan 10,000 oo Rubbi oo ah lacagta wadanka Hindiya taasoo qiimo ahaan u dhiganta lacagta buskudka ay xadeen waxaana ay qoysaskaasi oo ah dad noloshoodu hoosayso ay ku qaadatay in lacagtaasi bixiyaan muddo 2 cisho ah.
Magaalada Bihar ee dalka Hindiya dadka ku nool waxaa la leeyahay waxay dhaqan ahaan u leeyihiin inay aad u ciqaabaan qofka lagu tuhmo ama lagu helo dambi ah inuu wax xaday.

Diyaarinta;C/qaadir Ismaaciil Askar

askars4@hotmail.com

Berbernews.com