FA-da Ingiriiska oo Baadhitaan ku wada xidga West Brom Nicolas Anelka

Xidhiidhka Kubada Cagta Ingiriiska FA ayaa sheegay in ay baadhayaan u jeedada  rasmiga ah ee ka danbeeya dabaal dag uu sameeyay Nicolas Anelka kulankii sdaraad ay West Bromwich Albion barbaraha 3-3 ah ay la soo galeen kooxda West Ham.
article-2530377-1A50E53B00000578-342_634x448
34 jirkan ayaa lagu eedeynayaa in u dabaal daga uu sameeyay oo looga yaqaano dalka Faransiiska la quenelle uu yahay mid lo tixgaliyo in ay adeegsan jireen Nazi sidaasi darteedna uu noqonayo falkaasi mid cusurinimo ah.
Goolal dhaliyaha Reer France ayaa saxeexiisa dul dhigay labo gool isagoo kaddib sameeyay dabaal daga imikalagu heysot weeraryahankan West Brom.
Inkasta oo uu Anelka ku cadeeyay Twitter-ka u jeedadiisa dabaal dagiisa oo uu ku sheegay mid uu uga dayanaya shaaaciro ay saaxiibada yihiin ee Dieudonne, hadana Afhayeen u hadalka xidhiidhka kubada cagta Ingiriiska ee FA waxa uu xaqiijiyay in ay baadhayaan kiiskan loona baahan yahay in su’aalo laga weydinyo Anelka.
Dieudonne – oo magaciisa dhabta ah uu yahay M’Bala M’Bala – ayaa ah nin dadka ka qosliyaha dalka France waxana uu aad u adeegsadaa dabaal daga uu sameeyay Anelka, kaasi oo ah in gacan la saaro garabka ama xabadka mida kalana hoos loo taago.
Hadii FA-du ay u aragto falkan mid cusurinimo ah waxa ay noqon doontaa in ganaax la dul dhigo weeraryahan sii daalaa dhacaya ee Nicolas Anelka.