Socodka oo la xaqiijiyey in uu cafimaadka qofka aad muhiim ugu yahay

(berbera-Qubanaha) Daraasad cusub oo lasoo saaray ayaa muujinaysa in socodka  badan uu aad ugu wanaagsan yahay ka hor tagista xanuuno fara badan.
download (9)
Darasadan oo ay diyaariyeen qubaro caafimaad oo London ku nool ayaa waxaa ay soo jeediyeen in dadka oo socda maalintii ugu yaraan 2 saacadood ay hoos u dhigi karto xanuuno halis ah in ka badan 60%  sidoo kalena waxaa jira faa’idooyin kale oo socodka laga helo.
 
In ka badan 3, 435 ruux oo da’dooda u dhaxayso 60 illaa 80 jiro oo Ingiriiska ku nool ayaa la weydiistay inay saacado badan maalintii socdaan si caafimaadkooda u             hagaagsanaado.
 
Khuburadan waxay aragti ahaa usoo jeediyeen in socodka uu dawo u yahay xanuuno ay ka mid yihiin Dhiig karka, macaanka ama sokorta wadno xanuunka, hilibka xad dhaafka ah c iyo xanuuno kale.
 
Warbixintan waxay muujinaysaa in dadka todobaadkii lugeeya 8 illaa 14 saacadood ay halis yar yihiin dadka aan socon todobaadkii Sadex saacadood taasoo macneehu yahay in qofkii si joogta ah maalin walba u lugeeya ee dhidid badan ka yimaado uu ka caafimaad badan qofka socokiisu yaryahay.
 
Khuburadaan waxay talo ahaan usoo jeediyay in ragga looga baahanyahay inay todobaadkiiba lugeeyaan ugu  badanaan 22 saacadood
 
Sanad walba qiyaastii 152,000 oo ruux ayaa qaada xanuuno ay ka qaadaan fadhiga faraha badan ama xataa curyaama sidaas waxaa laga soo xigtay Dr Barbara Jefferis oo hogaaminayay kooxda  darasad`an soo saartay.
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
berberanews.com