Daraasad Cusub : Farxada Joogtada ah ee Lamaanaha oo kordhisa Miisaankooda.

Cilmi baadhis ay ku dhaqaaqeen culumo ku taqasustay arimaha bulshada waxa ay soo bandhigeen in ay jirto cilaaqaad ka dhaxeeya farxada iyo misaanka oo kordha,
download (8)
Culimadan cilmi baadhista sameysay ayaana waxa ay sheegeen in qoysaska is qaba ee ku nool farxada joogtada ah isla markana marwalba aadka isugu dhega nugul in ay yihiin kuwa miisaankoodu aad u kordho, marka loo eego qoysaska qilaafkoodu badan yahay.
Isfahamka iyo jawiga deganaanta ah oo lagu raago iyo in wax walba ay lamaanayaashu isku waafaqaan ayaa sabab u noqota  in labadooduba ay cuntada aad u qaataan, ayagoon waqti iyo xad gaar ah u yeelin. waxa ayna u nugul yihiin in uu siyaado u kordho miisaankooda culeyska ah.
Culimadaan ayaa adeegsaneysa tajaabooyin ay ku sameeyeen qoysas badan oo noloshoodu isku cusub tahay waxa ayna soo ogaadeen in afarta sano ee ugu horeysa ee guurka ka dib in ay tahay mudada ay aadka u naaxaan ama u cayilaan lamaanayaasha isku cusub, maadaama ay xiligaas ku guda jiraan jawi deggan oo xiiso iyo is xaqdhowr ku dhisan.
Culimadaan ayaase intaas kusii daray, in markastoo isku dhaciinu bato adiga iyo lamaankaada in uu yaraan doono miisaankaada culeyska ah sababta ayeyna ku sheegeen culumadaani in ay tahay fikirka iyo welwelka aad ka qabto xaaladiina qasan awgeed.
Diyaariye:C/qaadir Askar 
askars4@hotmail.com
berberanews.com