Nin xadhig ku mutaystay Hadalo kaftan ah oo uu ka faafiyay Mandela

Nin dukaan sandawiijka lagu iibiyo ku haysta dalka aan badaha lahayn ee Stafoordshire oo ka tirsan England, ayaa ciidammada bilaysku xidheen, kadib markii uu internet-ka ku baahiyey kelmado kaftan ah oo uu wax kaga sheegay hoggaamiyaha tacsidiisa loo fadhiyo ee Nelson Mandela.

Ninkan oo la yidhaa Mr. Neil Phillis waxa uu sheegay in ciidammada bilaysku ka qaadeen dheecaanka DNA-da iyo faro, kadib markii ciidammadu heleen cabasho ku saabsan kelmadaha uu internetka ku baahiyey.

Ninkan oo 44 jir ah waxa uu internetka ku qoray kelmado u dhigna sidan; “Kombuyuutarkaygu waxa uu qaata inuu is bakhtiiyo waqti dheer, waxaanan go’aansaday inaan u bixiyo Nelson Mandela.”

Mr. Phillips waxa lagu xidhay gurigiisa, isagoo loo qaaday xarun boolis, markii uu kelmadahan ku qoray mareegta Rugeley Soap Box, waxaannu yidhi; “Waxay ahayd khibrad aad u xun, waxa la iga qaaday faro iyo dheecaanka DNA-ga, iyagoo la wareegay kombuyuutarkaygii, waxaanay ahayd kelmado yar oo kaftan ah, wax nacayb ahna kumuu duugnayn.”

Sidoo kale, Mr. Phillips waxa uu qirtay inuu ka mid ahaa koox midigta fog ah oo la yidhaa BNP oo ka jirta dalka Ingiriiska, hase ahaatee wuxuu sheegay inuu 25 sanno ka hor arrinta ka fara baxay.

Ninkani waxa uu ka mid ahaa laba nin oo ciidammadu waraysanayeen, kadib markii dad badan ka cadhoodeen kelmado hoggaamiyahan wax lagaga sheegay oo internetka lagu baahiyey.

Ibraahin Khadar Siciid

Berberanews.com, ifo@berberanews.com