Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Diiday Bannaan-bax Xisbiga UCID ku dhawaaqay

Hargeysa-(Berberanews)-“UJEEDO JAWAAB CELIN’ Tixraac warqada tirsigeedu yahay ujeedadeedu tahay war gelin banaanbax silmi ah kuna taarikhaysan 07/12/2013. Anagoo aqoonsan kuna dhaqmayna axdiyada qaramada midoobay iyo qaynuunka dawliga ah isla markaana xurmaynayna baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga ah( Universal declaration of human rights ) iyo xoriyada aasaasiga ah, bandhigista ra’yiga iyo xoriyadda xasaasiga ah ee ra’yi dhiibashada iyo madax banaanida saxaafada sida ku cad qodobada 10aad farqadiisa 2aad qodobka 21aad faqradiia 2aad qodobka 22aad faqradiisa 1aad qodobka 32aad faqradiisa 1,2,3aad qodobka 34aad faqraadiisa 1,2,3,4aad ee dastuurka jamhuuriyadda Somaliland.

Cabdilahi abokor

Annagoo tixgalinayna xeerka ilaalinta iyo anshaxa nabad galyada guud ee xeer Lr.51/2012 qodobkiisa 10aad faqradiisa 3aad oo ka hadlaysa degenaanshaha, dhaqanka wanaagsan, iyo kal-dambaynta iyo nabad galyada waxay wasaarada arimaha gudaha go’aan qoraala oo sababysan ku diidi kartaa shir ama isku soo bax guud.

Sidaa darteed, annagoo garawsan xaaladaha nabad galyo ee mandaqadan geeska Africa iyo dhacdooyinkii ka dhacay gobolada inala jaarka ah ee soomaaliya, suurtogal maaha waqtigan lagu jiro in dalka mudaharaadyo ka dhacaan, isla markaana ciidamada amniguna heegan buuxa ay ku jiraan mana damaanad qaadi kartaan isku soo bax waqtigan xaadirka ah.”

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

Cabdillaahi Abokor

Berberanews.com

info@berberanews.com