Real Madrid Oo Diidan In Angel Di Maria Uu Ku Biiro Monaco Bisha January

Ciyaaro-(Berberanews)-Waxay u muuqataa in kooxda Monaco ee dalka France aysan heli doonin janaayo laacibka ree Argentina ee Angel Di Maria iyadoo kooxda Real Lasoo sheegayo inay diiday in laacibkan uu katago kooxda, Ancelotti ayaana aaminsan in laacibkan uu kamid yahay laacibiinta laf dhabarta u ah kooxda xili ciyaareedkan.

 Di-Maria-540x374

Wargayska ” AS” ayaa sheegay in kooxda Real ay diiday in Di Maria uu katago kooxda, isagoo intaa ku daray in kooxda aan qor shay nayn inay iibiso laacibinteeda bisha january waayo waxay saamaynee isku dheeli tirnaanta kooxda, balse waxay ogol yihiin inay fasaxaan xaggaaga hadii uu doonaayo inuu katago kooxda.

 

Di Maria ayaa ku faraxsanayn joogi taanka kooxda Real Madrid maadaama uu booskiisa u waayay Gareth Bale, isagoona doonaaya inuu usafto xulkiisa koobka adduunka taasna aaney suurto gal ahayn inuu sii fadhiyo kursiga kayda, waana mida dadajin doonta inuu ku biiro kooxda Monaco ee dalka France.

 

Carlo Ancelotti ayaa yidhi shalay shir jaraa,id oo uu qabaty” Di Maria waligii kama aanu hadlin mustaqbal kiisa, wuxuu ku faraxsan yahay halkan wuxuuna sii joogi doonaa Real Madrid.

 

Ancelotti ayeey u muuqataa inuu ku qasbi doono maamulka Real Madrid inaysan fasixin laacibkan maadaama uu kamid yahay laacibiinta uu aad ka u doonaayo macalinka ree talyaani.