“Madaxwayne, Dadku Daafad Uma Hayaan Waxyaabaha Dhacaya” Boobe

Hargeysa (berberanews) – Mujaahid Boobe Yuusuf  Ducaale, ayaa si adag uga hadlay xadhiga afarta Wariye ee xukuumaddu mudada toddobaadka ah sida sharci darada ah u haysato iyo xadhiga Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir oo muddo dheer ku xidhan jeelka Mandheera.
images
Boobe Yuusuf Ducaale, oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sidoo kale ka hadlay talaabadii xukuumaddu Magaalada Gabiley kaga hor-joogsatay Jamaal Cali Xuseen.
 
Mujaahid, Boobe Yuusuf Ducaale, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Maanta Madaxwaynaha Somaliland, wuxuu joogaa Magaalada Jigjiga, bishii Ogost 1984-kiina wuxuu joogay Jigjiga, waa maalintii aanu bilownay shirkii Afraad ee SNM ee loogu dooran doono Guddoomiyaha SNM, maalintaasna xilkaas ayaanu u dhiibnay, markaa waxa ayaan daradu tahay inuu wixii uu maalintaa ka dagaalamayey uu maanta isaga oo Madaxwayne ah samaynayo, iyadoo aynu arkayno Afar wariye oo xidhan, waa kuwii ugu dambeeyay, laakiin taariikhda (Record) markaynu eegno Maamuladii Somaliland soo maray waa kii Tacadi iyo xadhig loo geysto saxaafadda ugu badnaa, Wasiirka warfaafinta ayaan ahaan jiray, xog-ogaal baan u ahay, waxa jiray Daahir Rayaale, waxa jiray Cabdiraxmaan Axmed Cali, waxa jiray Cigaal, wariyayaal la xidho waala arki jiray, laakiin wariyayaal gacan loo qaado waa Kow, waxaanu cambaareynaynaa falka wariyayaashaa lagu xidhay, waxaanu cambaareynaynaa gardarada uu aqoonyahan Jiir ugu jiro jeelka Mandheera ee lagu haysto xoriyatul-qowlka”
 
Boobe, waxa kale oo uu sheegay “Arrinta aadamaha soo martay ee ummadu ka dagaalantay waxa ka mid ah dhaqdhaqaaqa, maalin dhawaydna waxaanu goob-joog u ahayn Jamaal Cali Xuseen oo la yidhi Gabiley ayaa laga celiyey, Gabiley gobollada dalka ayay la mid tahay, uma xidhna Muxaafid, uma xidhna Mucaarad, haddii xukuumaddu isku hubto Gabiley, Jamaal kamay celiseen ee ay ku siidayn lahayde tamar iyo taag daro ayaa halkaa dhigtay, waxaan leeyahay dadku daafad uma hayaan waxyaabaha dhacaya, waa aflaantii ay soo daawadeen, waa wixii ay ka dagaalameen, waa wixii dadkan iyo dalkaniba u burbureen ee Madaxwayne aad goob-jooga u ahayd ee aad ku soo hogaamisay, ma markiibaad qaldanayd, mise imikaad qaldan tahay” ayuu yidhi