Shirkadda Telesom oo casho-sharafeed ku maamuustay arday ka qallinjebisay Jaamacadda Tima-cadde

Gabiley-(Berberanews)Shirkadda IsgaadhsiintaTelesom ayaa casho shatafeed ku sagootiday arday ka qalinjabisay Jaamacadda Timacade University ee  magaalada Gabiley.
Munaasibad loo sammeeyay casho-sharaftan oo lagu qabtay magaalada Gabiley waxaa ka soo qaybgalay Badhasaabka Gobolka Gabiley,  Yuusuf Ibraahin Geedi, Maayarka magaalada Shucayb Maxamed Muuse, masuulliyiin ka socday shirkadda Telesom oo ay ka mid yihiin Madaxa suuq geynta iyo xidhiidhka dadeynaha Maxamed Dayib, Guddoomiyaha shirkadda ee Gabiley Maxamed Dayib iyo saraakiil sar sare oo shirkadda katirsaniyo marti-sharaf badan,madaxdhaqammeed iyo waalid.

Gudoomiyaha shirkadda Telesom ee Gobolka Gabiley Sheekh Maxamed Muumin,ayaa sheegay in shirkaddu sannadkasta Gobolka Gabiley ka qabato barnaamijyo tartan quraanka Kariimka ah, iyo sidoo kale haggaajinta laydhadhka masaajidada iyo goobaha muhiimka ah ee nabadgelyada magaalada muhiimka u ah.

telesom6 telesom7
ku xigeenka Madax suuqgeynta iyo xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda Telesom Maxamed Cabdi [Darbo], ayaa isna ka hadlay warramay taageerada ay shirkadda Telesom la garab taagan tahay bulshada reer Somaliland si gaar ahna ay ula socotay Jaamacadda Timacade Universtiy oo shirkaddu qayb weyn ka qaadatay aas-aaskeedii.
Waxaana ka mid ahaa hadallada Drbo, “Shirkadda Telesom waxay kaalin mugleh ka soo qaadatay aas-aaskii Jaamacadda Timacade ilaa hadana waxay ku dadaalaysaa in ay marwalba la garab taagnaato wixii wixii hormarinta Jaamacada ah iyo arrimaha Gobalka  ah.” ayuu yidhi Ku-xigeenka Madaxa Suuqgaynta shirkaddu.

telesom1 telesom2
Ku-xigeenka Madaxa Suuqgeynta shirkadda Telesom waxa uu sheegay in ay shirkaddu qaadan doonto qaar ka mid ah ardayda jaamacadda kasoo baxday,isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi, “intaa iyo intaa ayaanu shaqaalaysiin idin  i odhan maayo laakiin waxaan rajaynayaa ardayni mustaqbalka dhaw iyo ka dheerba  inay kamid noqon doonaan shaqaalaha Telesom? isaga oo wali hadalkiisa sii watana waxa uu  yidhi ?sida aad lawada socotaan sanadkastaba waxaa Jaamacadaha dalka ka qalin jabiya tiro aad u farabadan oo ku dhaw ilaa 3000 oo arday taas oo cuslays wayn ku ah shirkadda iyo dalkaba shirkadduna waxay ku dadaalaysaa inay wixii karaan keeda ah ka qaadan doonto dadka aqoonta leh ee ka soo qalin jabinaya Jaamacadaha kaladuwan ee dalka.”
Waxaannu intaa raaciyay oo yidhi, “Gobalka Gabiley waa Gobalka ugu kharyaadka iyo wax soo saarka badan sidaa darteed shirkadda Telesom marwalba waxay dhiiri galinaysaa isla markaana garabtaagan tahay wixii lagu hormarinayo Jaamacada iyo wax soo saarka Gobalka”
Guddoomiyaha Jaammacadda Timacade University Dr Cismaan Magan oo madasha casho-sharafta ka hadlay, ayaa kawarbixiyay aas-aaskii Jaamacadda Timaca-cadde iyo caqabadihii ka hor yimi, waxaannu mahadnaq u soo jeediyay shirkadda Telesom, waxaannu yidhi, “Caawa waxaa sharaf weyn ii ah inay dufcadii 1aad ee ka qalinjabisay Jaamacadda Timacade University ay shirkadda Telesom halkan casho sharafeed sagootin ah ugu samaynayaan.
Shirkadda Telesom waxaan ugu mahad naqayaa inay tahay shirkadii taageerada nala soo garab taagnayd ilaa xilligaa aan soo sheegay, waxaan idiin soo jeedinayaa oo aad iyo aad idinkula dardaarmayaa inaydaan ka haajirin dalkiina oo aydaan Yurub iyo meelo kale u tahriibin.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Jamaacadda Timaca-cadde.

telesom3 telesom4 Telesom5